Taariikhda Madow Ee Reer Banni Ummaya Qore khadar ibrahim

0
Thursday April 18, 2019 - 18:51:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Madow Ee Reer Banni Ummaya Qore khadar ibrahim

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Waxaan maanta ka hadli doona taariikh ay dad badane jecel in qariyaan khasataan kuwa wadaadada zamankan isku sheega , waana taariikhda bani umaaya iyo wixii ay u geestayn islaamka iyo saxaabada oo runtii basha ahaa wax badane iyaga dhexdooda taariikh xume dhex martay dagaalo sida dagaalkii al jamal iyo sifeen kadib fitnadii dilkii cuthmaan binu cafaan.hadaba wadaaddadaas weeye kuwa horseeday oo yiri yaan la baarbaarin wixii asxaabta dhex maray, yaan asxaabta iyo taabiciinta waxba laga sheegin waa dad khayre. culmiadaas weeye culimada tiri caqligu diinta waa ka xaaraan ee diinta caqli ha u adeegsaninna. kuwaas weeye kuwa jideeyey oo banneeyey inaan la soo hadal qaadin wixii ay reer banii ummaya sameeyeen oo Mucaawiye binu abi sufiyaan uu kow ka ahaa.



Reer banii Ummaya waxay xukunka muslimiinta qabsadeen markii ay gudbeen afartii khulafada ahaa waxayna boqorro ahaayeen oo wax kharribayeen ilaa laga soo gaaro markii ay taariikhda hijrigu ahayd boqol iyo soddon iyo labo sano. Yacni waxay muslimiinta xukumayeen oo ay fasahaad iyo wax bi`in xiriir ah wadeen muddo hal qarni ku dhow. Boqorradaasi waxay xasuuqeen oo cagta mariyeen ahlubeytkii nebiga scww, runtii nimanka sidaas kula kacay ahlubeydkii nebiga scww oo ka xishoon waayey awlaaddii Faaduma rasuul, kuwo diinta ku dhaqmaya ama dan ka leh ma ay ahayn sida falkoodaba ka muuqata. Jifidaas ama qoyskaas boqorrada noqday oo xukunkii muslimiinta qabsaday waxay ahaayeen qoys colaad dheer iyo xafiiltan la lahaa qoyskii nebiga scww ee reer bani Haashim. jifidaasi waxay nebiga scww uga soo horjeeday qabyaalad ahaan iyo caqiido ahaanba dagaalna kula jirey intii uu dacwada faafinayey iyo intii uu jihaadka ku jirey oo dhanba.


Yasiid oo ahaa ninkii markii uu boqorka noqday ahlubeydka xasuuqay, kacbadana gubay oo boqollaal iyo kumanyaal qof ku diley, Madiinana colka geliyey oo ciidan ku fasaxay saddex maalmood iyo saddex habeen dil, kufsi, dhac iyo boob ku samaynayey reer Madiina oo Ansaar iyo Muhaajiriin iyo dumarkoodii iyo gabdhahoodii sidaas kula kacay, taasoo keentay inay kun gabdhood iyo dheeraad oo gabdhihii ansaar iyo muhaajiriin ee reer Madiina ahaa ay ku uuraysteen kufsigaas uur aan sharci ahayn, raggiina wixii la laayey ma ahee wixii kale bayco khasab iyo sandulle ah looga qaaday in ay hantida Yasiid ka mid yihiin, qaarkoodna luqmaha iyo sacabbada tiinbare lagala dhacay sidaas caddaynaya, kuwona luqmaha loo suray waxyaalo laga lulay oo lagu bahdilayo inay iska bixiyaanna uu dil u soojiidayo iyo inay naftooda waayaan.


Yasiidka sidaas yeelay wuxuu ahaa ina Mucaawiye binu Abu-sufyaan, aabbihiis Mucaawiyena waa ninkii ugu horreeyey ee ummadda islaamka boqortooyo qabiil u horseeday oo xukunkeedii ka dhigay, wiilkiisa Yasiid oo caynkaas u dhaqmayeyna boqorka ka dhigay oo taladii muslimiinta khasabka ugu dhiibay, kaddib markii uu isagu gaboobay xukunka muslimiintana uu xoog ku haystay labaatan sano iyadoo aan cidi dooran. Abu-sufyaan oo Mucaawiye aabbihiis ahaana waa ninkii kufaaru quraysh hoggaaminayey intii nebiga scww iyo kufaaru quraysh ay is hayeen oo Abu-Jahal markii uu dhintay booskiisii galay ilaa Maka xoog lagu qabtay oo uu markaas dadkii isdhiibay oo islaannimada sheegtay ka mid noqday.


Mucaawiye hooyadiis oo Yasiidna ayeeyo u ahayd naagtii Abu-sufyaanna ahayd waxay iyaduna ahayd Hinda bintu Cutba oo ahayd tii cuntay beerkii Xamsa binu Cabdi-muddalib. Naagtii Abu-lahab ee Ummul-jamiil la oran jirey Quraankuna Xammaalatul xaddab u bixiyey isla markaasna ahayd tii nebiga scww dhibi jirtey markii uu Maka joogey oo dacwada wadey oo albaabkiisa wasakhda iyo qodxaha ugu daadin jirtey, Allena iyada iyo ninkeedaba ka soo dajiyey suuradda Tabbad; naagtaasuna waxay iyaduna ahayd Abu-sufyaan walaaashiis, Mucaawiyana eeddo u ahayd Yasiidna ayeeyo u ahayd. Qoyska boqortooyada noqday oo muslimiintii qabsaday wuxuu ahaa qoyska sidaas u habaarnaa lidkana ku ahaa qoyskii nebiga scww ee reer bani Haashim oo iyagu badankoodu dad khayr ahaa.


Reer bani Umaya markii ay boqorro noqdeen qabiil iyo reernnimo xukunka ku haysta, waxay ku dhaqaaqeen aano-qaadasho iyo aargoosi ay kula kaceen guud ahaan wixii halgankii nebiga iyo jihaadkii daacad u ahaa sida ay reer Madiina u galeenba, gaar ahaanna waxay aano u daba galeen reer bani Haashim oo weliba khaas ahaan reer Abu-daalib, iyagoo daba socda wixii jihaadkii nebigu scww hoggaaminayey iyaga lagu yeelay. Waxayna si aad ah yool iyo hadaf uga dhigteen reer Cali binu Abu-daalib, kaalintii jihaad ee uu imaamu Cali dagaalladii la isku heli jirey kaga jirey awgeed.Boqorradaas reer bani Umaya waxyaalaha kale oo ay ku kaceen waxaa ka mid ahaa- oo had iyo jeerna ah hiddaha iyo dhaqanka madaxda aan Ilaahay aqoon- waxaa ka mid ahaa inay diintii afduubteen oo u adeegsadeen si danahooda iyo ujeeddooyinkooda waafaqsan culimmana u samaysteen muftiyaasha dawladda la yiraahdo, kuwaas oo diinta hadba u fasira oo u macneeya sida ay dawladda iyo madaxdu doonayaan, keligoodna amar iyo fasax u haysta sheegidda, wax ka qoridda iyo ka hadlidda diinta iyo arrimaheeda sida kuwa maantuba ay yihiin.igu danbeyn reer banni ummaya wax ay fadla ah ay ku dhex leeyihiin islaamka ma jirto , ka bilaw mucaaweya ila yasiid ila malaaciintii reer banni marwaan binu xakam taas aya inogu filan.


Qore khadar ibrahim

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...