Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire: Eedihiisii Dahabshiil Ku Aaddanaa Ee Beenoobay iyo Xukunka Uu Duldhigay Astaan Cable

0
Wednesday August 19, 2020 - 11:08:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire: Eedihiisii Dahabshiil Ku Aaddanaa Ee Beenoobay iyo Xukunka Uu Duldhigay Astaan Cable

    "Wixii keenay in uu UDUB Ku biro 2009ka iyo mar loo banndigay in uu SNM ku biro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wixii keenay in uu UDUB Ku biro 2009ka iyo mar loo banndigay in uu SNM ku biro"

Shalaytoole waxa hadlay Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland, wuxuu si cad u sheegay in uu ASTAAN Cable uu leeyahay Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin, isaga oo raaciyay inay basaasto ummadda Somaliland. Waa markii labaad ee uu eeddan warbaahinta mariyo. Astaan Cable TV waa shirkaddii labaad ee uu cambaareeyo mudanuhu.

 

Mudane, 2018kii waxa aad xisaabisay lacag boqollaal kun doollar ah, oo Dahabshiil lagaga iibiyay Laynka Bilayska, oo aad tidhi "Lacagta dhulka lagu iibiyay waa $927,000, isla markaasna jeelka waxa la gaadhsiiyay $577,000, lacagta qiimo-dhimista lagu sheegayna waa $350,000”. Waxa aad iska indha-tirtay in uu 42 guri uu Dahabshil u dhisay dadkii laga laynka bilayska, waxaadna ka soo qaadday in taasi ay samafal ahayd… Dhaliishaadu waxa ay u dhignayd in shirkaddaas iyo masuuliyiintii dawladdu ay laaluush u kala qaateen lacag badan oo gaadhaysa boqollaal kun oo dollar, waanay beenawday.

 

Ugu dambayntii waxa gefkaagu galaaftay Guddoominta guddidii dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada ee aad madaxda ka ahayd. Waxa deelqaafkaaga raalligelin ka bixiyay Golaha Wakiillada, aakhirkiina adiga ayaa afkaaga isku buriyay. Maanta waxa aad duraysaa dad difaacaya Astaan Cable oo aad dhuuni-raac ku sheegtay, walaw aanan la shaqaynnin labada qof ee aad magacawday, haddana waxa ii muuqda in aan bahdaas si uun uga mid noqon karo. Miyaad toos u magacaabi kartaa dhuuni-qaateyaasha?

 

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire waxa aan leeyahay xaq ayay dadku u leeyihiin inay difaacaan xorriyadda ganacsiga iyo ta aadamaha. Cabdimannaan Yuusuf wuu xidhan yahay waana eedaysane, ma aad sugin qaraarkii maxkamadda adiguna xukun ah in hantidaas qof kale leeyahay ayaad xukuntay. Adigu ma xafiis garsoor ayaad haysataa?

 

Weyddiimahan ayaan hawada kuu soo marinayaa:

1. Maxaad ku caddaynaysaa in Astaan uu leeyahay Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ma warqaddii lahaanshaha Fahad Yaasiin ayaad haysaa?

2. Maxaa marag u ah inay basaasnimo ku shaqeeyaan?

3. Ma cid ay wax ka duubeen ayaad aragtay?

4. Waa kuma qofka wax laga duubay?

5. Goorma ayaa laga duubay?

6. Ma laga yaabaa inaad raalligelin uga bixiso hadalkaaga sidii kii Dahabshiil oo kale?

7. Waxa aad ku baaqday in garsoorka lagu kalsoonaado, ma xukun garsoorku soo saaray oo la diiday baa jira?

8. Maxaad isugu sidkaysaa ganacsiga iyo siyaasadda oo kala madax bannaan?

Haddiiba garsoorku soo saaro qaraar ka duwan waxa aad shubayso, oo hadalkaagu beenoobo, sidee ayaad isu sixi doontaa?

 

Xildhibaan Naasirow haddii cidi lacag ku shaqayso adiga ayaa hadh cad ka baxay Isbahaysigii Baarlamaanka ee UCID iyo KULMIYE 2009kii, oo lagugu xamanayay inaad is-aragteen masuul qaabbilsanaa mustafaynta deegaankaaga, kuna biiray UDUB. Waxa ay ahayd mar ay dhacayeen bannaanbaxyo lagu diiddanaa muddo-kordhinta.. Waanu kaala soo xishoonaynna inaannu dhuuni-qaate weliba kugu sheegno. Beryahaa waxa aan maqlay in laguu soo jeediyay inaad SNM ku biirto, kaddibna aad tidhi "SNM mushahar ma leedahay?”. Halkee ayaad joogtay tolow markaas halganka, maxaa se ka run ah inaad mushahar la’aanta uga joogtay?

 

Agaasimaha Astaan Cable Cabdimannaan Yuusuf waxa uu ku xidhan yahay Hargeysa, waana eedaysane. Weli lama soo saarin xukun maxkamadeed oo uu dembiile ku noqdo.

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...