Habeen Kii Mawjadda Baddu Iga Nasiibka Badnayd.

0
Wednesday August 19, 2020 - 11:00:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habeen Kii Mawjadda Baddu Iga Nasiibka Badnayd.

    W/Q: Kaaba Axmed Caydiid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kaaba Axmed Caydiid

 

Waa Jimce, waxaan ku waabariistay nabad iyo caafimaad qab, waa maalin nasasho oo jawi beddalasho mooyee wax shaqo ah lama tegaayo, sidii inan lagu yaqaanay markaan subaxdii soo kacay ee aan wax fudud cunay, shaqada guriga ayaan hore ka galay. Dhagaha ayaan gashaday dhagaha taleefanka ee wax lagu dhegaysto, waxaan daartay hees Cumar Dhuulle qaadi jirey Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee, hees ba hees bay ii dhiibaysay intii aan shaqada waday oo dhan, waxaan galay badwayn xasuuso ah, wakhti xaadirkan wax xidhiidh ah kuma jiro balse innamo badan oo qurux badan ayaan dushaa xidhiidh hoose oo aanay iyagu ogayn aan kala leeyahay, yacnii niyaddaan ku haystaa. Kolba waxa aan is waydiinayaa haddaad hebel kaas heli lahayd Alla maxay noloshu kuu dhacnaan lahayd, Maya Maya ayay haddana naftu itidhaa kaas kale ayaa kaaga wacnaan lahaa waayo isagu markasta wuu kusoo xidhiidhiyaa oo waa qof naxariis badan oo kaa war haya, ma isagaa kaasi xataa haddaad farriin u dirto hore kaaga soo jawaaba isagoo khadka ku jira, waaka xataa hadduu kuu soo jawaabana farriinta gaaban kuu soo qora. Cajiib, aniga iyo naftayda ayaa murannay muran khiyaali ah oo aanay waxba noogu jirin.

 

Maadaamaa aan faraha biyo kula jiro oo aanan kolba heesta aan doonaayo aanan gaysan karin moobilkuna gosha iigu jiro, waxaa is daartay hees kale oo xasuus gaar ah ii leh, si toosa ayaan ugu naxay, waxaanan toos uga dhaqaaqay mawjaddii hore ee aan ku kala dooranaayay wiilasha quruxda badan ee uu sawirkoodu qalbigayga sudhan yahay, waxaan markiiba xasuustay jacaylkaygii hore ee aan anigu sida fudud u dumiyey una soo af jarey iyo sida aanan hadda waxba u hayn qof kasta oo aan xiiseeyaana iga fogaanaayo marka uu iga dareemo danayn xad dhaafa! Ma anaa nasiib xun haddaba imika ayaan isku canaananayaa, ma garanaayo meel ay wax ka cakiran yihiin oo anba waan ka fogaada marka aan qofka ka dareemo in uu i jecel yahay ama uu wakhti badan isiinaayo! Goor aanan ogayn ayaan shaqadii guriga dhammeeyey, qolkaygaan toos usoo galay, sidii qof daallan ayaan sariirtaydii isku soo tuuray oo aan taleefankayga la soo baxay, mise dad dhawr ah baa isoo wacay, waxaa ku jiray wiil aan magaalada wada joogno oo aan asxaab nahay, waan ku celiyey waxaanan u sheegay in aan shaqaynaayay. Waxaan isla garannay in aan jawiga iska soo beddalano oo aan Xeebta Liido tagno abbaara cadceed dhaca galabta, si degdeg ah ayaan u labbistay oo aan isku diyaariyey in aan u baxo, waxaanan macasalaameeyey saaxiibadday oo qolka fadhiga wax ku akhrisanaysa, badanaa waan aqaan oo haddiiba ay wax akhris bilawdo ama wax daawanayso kuma xisaabtamo in ay i raacayso maalintaas.

 

Waa markii ugu horreysey ee aan maanta dibadda u baxo, waxaan indhaha ku kala furay jawi aad u qurxoon waxaanan dareemayaa dhibcaha roob tiix tiix ah oo aan badnayn, wiil kii dibadda ayaan iska helnay oo uu igu sugaayay, bajaaj baanan hore ka raacney. Waxaanu sii marnay labo wiil kale oo mid maanta Hargeisa ka yimid, waxaanan toos u abbaarnay xaggaas iyo Xeebta Liido, nabad tagnay, fadhiisannay oo cashaynay. Sheeko iyo is barasho kadib sida qof kasta oo Xeebtaa tagaa uu yeelo ayaanu u daadegnay xagga hoose ee xeelliga badda si aanu ugu socsoconno. Dad badan baa isugu soo baxay, qaar baa labo labo u wada socda oo gacmaha is haysta mooji waxa ay indhaygu u qabanayaan dadkaas isla faraxsan ee aanay u qabanahayn dadyaw gaas kale ee buuxa.

 

Weli waxaanu lugaynaynaa xeelliga badda, wakhtigaas waxa ay indhahaygu qabteen wiil kaligii socda oo taleefan ku hadlaaya, indhaha ayaan aad ula raacay markuu dhanka midig iga dhaafay, dibbaan usii jalleecay. Anoon is ogayn ayaan kor u qayliyey oo aan dhahay Alla inanku qurux badanaa, wiilashaan wada soconay mid ka mid ah oo i maqlaayay ayaan ku dhahay wiilkaas bay ishu igaga dhacdey! Waa qof Ilaahay qurux u dhammeeyey, wuxuu xidhan yahay garan/funaanad hadba waa sida aad u taqaanee sibidhi caddaan xiga ah iyo surwaal jiimis ah oo buluug ah, kabaha la xidhan yahay waa buudh fudud oo midabka cad iyo midabka sibidhiga ah isugu jira, timo laga shaqeeyey oo madaw oo foodda jooga ayaa ku yaalla! Maasha Allaah! Innamadii ayaan ku dhahay jawigani maaha mid laga tegi karo ee aan dhawr jeer isaga laalaabanno si aynu caawa hurdo wacan u helno, anoo u qarinaaya in aan rabo wiilkan, isagu meel buu iska is taagay oo ma socsocdo maadaamaa uu taleefan ku hadlaayo, wuxuu ku jeestay badda, wuxuuna dhegta bidix ku hayaa taleefan madaw, gacantiisa midig na wuxuu u laabay dhanka gacanta bidix, kolba marka ay mawjadda baddu biyaheedu soo gaadhaan si tartiib ah buu dib uga baxayaa, haddana markay mawjaddu laabato halkiisii buu ku noqonayaa. Haddii lay waydiin lahaa maxaad jeclaan lahayd in aad caawa noqoto waxa adduunka guudkiisa saaran? Waxa aan ku jawaabi lahaa in aan mawjad noqdo, keliya si aan intan uga dhawaado oo aan ugu yaraan codkiisa maqlo ama uu hoos ii soo eego si aan indhihiisa quruxda badan uga bogto! Haddaan mawjad ahaan waxaan ku raaxaysan lahaa sida marka aan usoo dhawaado uu u dhaqaaqaayo, waxaa taas iiga farxad badnaan lahayd marka uu hore usoo dhaqaaqaayo ee uu isoo wajahaayo.

 

Wuxuu u eeg yahay qof isla wayn oo qab ka xoog badani ku jiro, tiraba toddoba jeer ayaan kusoo laabtay halkuu taagan yahay anoo iska dhigaaya in aan meesha lugaynaayo, markii dambe labadii wiil ee kale na waa i ogaadeen balse ma jirto wax ay ii qabaan karaan oo aan ahayn in ila ag marmaraan oo ay wakhtigooda intaa yar iga siiyaan, mar aan filaayo in ay mar shanaadkii ahayd, ayuu dhankayga soo jalleecay isagoo weli taleefan kii ku hadlaaya mise waxaan haddana indhaha ku dhufatay dhoolla-caddayn qurux badan, xiisaha aan u qabo ayaa sii xoogaystay, waxaan ka fikirayaa in uu saaxiibaddii la hadlaayo oo waan naxnaxsanahay, balse hadduu mar uun dhigi lahaa waan la hadli lahaa, nasiib xumo se weli ma dhigin anna waxaan ka xishoonayaa wiilashada ila socda ee aan daaliyey, anigu se daal ha sheegin waan u hoyan karaa caawa xeebta Liido! Waxa aanan marnaba illaawi karin sidii mawjad aanan ogayni ii dardartay ee aan isku arkay anoon ku dhex jira biyaha, cagihiina i qoyeen ciiddiina kabaha ii gashay, sababtu waa in aan ku maqnaa quruxda addoonkan quruxda loo dhammeeyey! Si aan keliya u daawado ayaan moobilkayga gacanta muuqaal uu sii jeedo kaga duubay, isma ogi in aan kamaradda ku jeediyey balse markii wiil ka mid ah innamada aan la socday uu cararay ee uu soo laabtey iguna dhahay sidii wax aniga iga duubaaya iska dhig ayaan ogaadey in aan kamaradda toos ugu hayay isaga, kolba dhagax baddu soo tuurtay ayuu qaad qaadaa si aan hawshayda u guto, Ilaahay khayr ha siiyo, wuxuu fududeeyey muuqaalka aan duubanaayo ee aan dawada ka dhiganaayo. Dabcan qofka aan is idhaa tus si wacan u arki maayo oo meeshu waa madaw buu dhahayaa, balse anigu sida dharaarta ayaan u arkayaa anoo meel madaw kaga duubay!

 

Wakhtigii aanu guryahayaga tegi lahayn ayaa la soo gaadhay, albaabkii aanu ka baxaynay ayaanu beegsannay, dadkaan la socdey way iga tallaabo dheereeyeen sababtoo ah anigu wali xaggayga dambe ayaan eegayaa oo aan ku maqanahay, marba marka kasii dambaysana waan ka sii fogaanayaa, hadday doonaan dad baa isku qarinaaya oo ag istaagaaya. Miyay ka hor dhaqaaqaan ayaan hoosta ka leeyhay. Waxaan niyadda iska leeyahay miyey iska tagaan innamadu aad adigu sii joogtid Xeebtee! Maya iska raac baan isugu jawaabay, waad arki haddii ay samada ka qoran tahee, sidii baanan kaga imid goobtii dareenkayga qaadey ee i bedashay daqiiqado gudahood, intii aan bajaajta soo saarnaa oo dhan waxaan maskaxda ka dhisaayay waxa aan ka curin lahaa, waxaan is waydiinaayay ma arki doontaa mar dambe mise sidaas buu kugu daayay, waxaan ku lahaa qalbigayga qofka sidan oo dhan ay kuu qancisay aragtidiisu, haddii aad codkiisa maqli lahayd maxaad dareemi lahayd!………

 

W/Q: Kaaba Axmed Caydiid


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...