Doqon-kaagu Gacal Maaha (Abdi-Shotaly).

0
Wednesday August 19, 2020 - 10:46:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Doqon-kaagu Gacal Maaha (Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Beryahan dambe waxa soo baxay, qaar loo adeeg-sado reerka ay kolba ka soo jeedaan, oo cad-quudheedyo ku nool iyo xil doonimo, kuwaas oo hadba ka kursiga ku fadhiya hoos orda, waxay kugu sasab-taan isku reer baynu nahay iyo maaweello ah laba wajiilanimo. Hadaba waxan idin leeyahay qof walbaw-ba iska illaali, munaafi-qiinta kugu xil doonanaaya, ee beesha aad tahay lagu quudiyo magaceedda, naf ay kuu hayaana aanay jirin, bal ruux kastaw u fiirso ama daba gal, ka kaaga jira maamulka labadda askari waxa ay ku tareen. Kuwaas aan idin sheegayaa, wax kale meesha kuma joogaan, ee waxa loo haystaa isku dirka beelaha iyo siddii loo colaysiin lahaa, oo ay askarta dani ugu jirto cadaawadda beelaha la dhex dhigaayo, si ay food ugu helaan, waayo ma ogola in heshiis ka dhex dhaco ummadda Reer Somaliland, laba beelood oo ood wadaag ahba waxa lagu dhex tuurey colaad riiq dheer, sidda Habar jeclo iyo garxajis, Arab Iyo Garxajis, Samaroon iyo Jibriil Abokor, Ciise Muuse iyo H.yoonis Dhulabhante Iyo Habar Jeclo,  Ciise iyo samaroon, Biciidda iyo Sacad Yoonis, hadda waxay maraysaa in Habar jeclo oo aan weligood is dilini ay ka dhex qarxdo xabdu, Kuwa waxaas wadaana waa maamulkan ay ka dhabaqsan tahay, kaas oo ay dabadda ka riixayaan, kuwo reer kaste ku jiraa oo biidhi-qaatayaal ahi, oo ku shaqeeya Sharciggii Isticmaarka ee ahaa " Qaybi oo Xukun", balse horta intan yar ee afaraydda ah ila akhriya.

 

Aan digniin ku siiyee,

Akhristaw ku soo durug,

Dugsi kii aad moodaa,

Dhaxan kugu dareershee,

Dayro dhaaf ku dhigay baad,

Weli daba ordaysaa,

Ma Alla doori baad tahay?

Aan doocna garanyn.

Dad-nimadu ka maqan tahay.

 

Nin ku diidan haw doodin.

Siduu doono haw yeelin.

Debec yaanu kaa filanin.

Kala soco dul iyo hoos-ba.

Adna dabin u sii daadi.

Gudin weyn u sii daabo.

Yuu dareemin sira-haaga.

Dusha nabarka kaga dhufo.

 

Doqon-kaagu gacal maaha.

 Ka u diir naxuu weligii dilaa.

Adna haw damqanin abid.

Adoo dagan ayuu eegan.

Haw dudin daciif-kaaga.

Waxad doonay-saan iyo,

Danta yaanu kaa weecin.

Been buu dudubayaa,

 

Iska leexi daba-dhilifka.

Duli weeye kula reera.

Nacabkuu la deris yahay.

IL-dabaano yuu helin.

Weligaa digtoonaw.

Kana durug cadaawaha.

Haw gelin daluun hoose.

Dabaal yaanu kugu wiirsan.

 

Marka hore, Colaadda waxa laga bilaabaa in deegaan reer leeyahay, reer kale la yidhaaho ku qabsadda, si ay markiiba u qaraxdo xabadu, cadaalad looguma gar qaado, ee mid buu maamulku garabka saaraa, si aanay u bogsan boogtu ee ay u sii fido, bal u fiirso qof walbaw-ba deegaanka aad ka soo jeedo, reer kale oo aan meela u soo marin, baa intii uu xukunka boobay askarigan dhulku ka cararay inagu cusub, weli hore umay dhicin, intii maamul ee ka horeysay, ee kala ahaa Ilaah ha u naxariisto'e A/rahman Ahmed Ali Iyo Mohamed Haji Ibrahim Egal, Alle ha daayee Daahir Riyaale, Rabbi caafimaad ha siiyee Ahmed Mohamed Siilaanyo. Xataa wixii loo yaqaany Somaliya ee aynu ka go'nay, sheeko iyo shaahid inama soo marin. Marka aad intaas oo dhan soo dhaafto, askarigan waalani, qoys-kiisa baa uu yidhi ku murma baloodhaddii dan yarta, oo maalin walba qaylo ka taagan tahay, malaayiin baa debedda loogu qubay alaabtii, isaga oo siinaaya walaaladdii, kuwa hablahiisa qaba, kuwuu isagu ka qabo, inama-diisa iyo inta ku xeeran ee ah jifa-diisa hoose. Waxan ku soo gunaanaday, ummad yahay dalkii aad u soo halgan-teen waa ka halkaa maraya, idina reer hebel baa la idinku maalaa, ee ma haysaan wixii ay u soo dhinteen geesi-yaddii lagu goblamay? Mise waa maya? Imisaa ku naafoobay? Malaayiin baa kaneeco ku dishay xarumihii qaxoon-tiga, ee waxaad ka faa'iideen ma is waydiisee? inta aad isku jeedaan idinku. Haddii uu xaalku sidan yahay Somaliland ma sii jireysaa baad u malaynay-saan?

* N.B Nin Ku Diidan Haw Doodin, Siduu Doono Haw Yeelin.

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...