Qaran Ma Jiree Waa Quud Raadis ( Abdi-shotaly).

0
Thursday April 18, 2019 - 18:44:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaran Ma Jiree Waa Quud Raadis ( Abdi-shotaly).

    Maamulkan ay inta yari xeedhadda muqmadda ah ka dhigatay, wuxu ku caan baxay suuraha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulkan ay inta yari xeedhadda muqmadda ah ka dhigatay, wuxu ku caan baxay suuraha,

beentiyo sabadoo, isaga oo kolba iska hor imanyaa, oo wuxuu shalay sheegay maanta been ka dhigaaya, ilayn waa waxa aan khajilayn, mabda'oodu uu yahay oo qudha, si aad wax u cunta uun raadiye, ku xaragoodda wixii laga xishoon jirey, aan hoos u dhaadhaco, oo ku taabisiiyo runta'e, Kolay uma jeedid oo tii aynu isla ogayn ee beelays-nayd baad ugu sacab tumay-saaye, iga qabo waa tan tii xaqiiq-dda ahayd



C/Maalik Xaaji Muuse Coldoon, waa la yaqaanaa wuxu yahay, oo waa weriye caan ku ah dhamaan cariga ay Somalidu degto, gude iyo debed-ba. Muwaadin hore bay askartan Booliiska iyo weliba Maxakamadda askariga ee in gaar ah lagu xukumo, inina haddii ay dunidda rogaan aan sidaa loo eegine, ay waaran ugu soo gooyeen, oo hadana ay difireen, yidhaaheen waa ina wax kama jiraan, hadda akhristaw iyaka oo sidaas sheegaaya, bay hadana ku weerareen gurigiisii isaga oo ka maqan, oo ay baabuur-kiisii oo hor yaala guriggii uu ku noolaa, ay jiiteen, oo la dhigay Xafiiska Booliis ee Burco, iyadda oo sidaas ah bay calaa-haakadda weliba dafirayeen. ilayn wuxu ibna xalaal maahee, waa dhuuni raayco'e soo badheedh tegaye. Sidda aad ula socoteen-ba, dhawr jeer baa Cabdi Maalik yidhi waa been-tood, oo uu war-baahinta soo fadhiistay, iyakuna ay ku andacoodeen waa ina wax kama jiraan, ee ma is keentay tiiyoo ooda-heedda wadata wixii uu sheegaayey? Mase kuu cadahay imika kii beenta dhuraayey iyo kii runta ka wagac siinaayey ( oo ah cabdi Maaalik .X. Muuse Coldoon). bal hadda intan yar ku soo dhawaw, oo micno ahaan soo koobaysa waxa meesha ka socdda, iyo adigu sidda lagugu wato, oo ah awrkii hogaanka lagu gaxaysan jirey, marka danta laga leeyahay, inta kale-na u seetaysan jirey ruuxa leh, adana waxa lagugu hogamiyaa, ilaali maamulka, wuu beelysan yahaye, oo xaq iyo xaq-darro-ba difaac, xataa haddii uu cadaabta kugu ridaayo. waa tan afaray-ddii yarayde iga hoo;_


Qaaluu-balaa nuun iyo wal-qalam, niman aqoon,

Qaarina is mooday, qusul laba iyo toban baac ah,

Buu qoobka geliyaaye, qalbi madhan,

Maskaxdoo qafilan iyo damiir qaawan,

Qorax soo baxdaba, waa qaab askari-yeede,

Oon qaijila-hayne. qabta ruuxan rabo,

Oo been ku qaarajiya, hadaba kiis u soo qoola,

Iyo waxan meesha qabanay-nin, baa lagu qadhaab-taaye,

Qabiil bay ku maashaa, oo misna qiiqa qarisaaye,

Qaxar waxan ahayne kuma kacaan, qaado mooyaane,

Ha ku quusto kii qaran rabiyo, biidhi-qaatuhe.

Qaran ma jiro, ee waa quud ku raad-sada'e.


Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waxay soo gurguura-toba, kolba dhinac la soo dhigo-ba, iyaba waa mucjisee dafiraad iyo dhaar lagaga xagaf siiyo-ba ( Ilayn wax aakhiro ka baqaaya maahee), oo hungui tallo iyo waano maqaatee, haday runtii kaabiga soo dhigtay oo meel ay ka baxaan la'yihiin. Ma maanta bay sax yihiin mise markii ay dafira-yeen? Ee ay lahaayeen, waaran umaanu jarin ee waa nala masabidayaa? Daba-dhilif-yadda ay ku adeeg-taan Raggii ma adhigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani. Horaa loo yidhi " Runeey soo caad oo sadexdda ha gaadhine" isla markuu soo galay, baa deh-deg loo qabtay, wixii lala wareegaayey, ee loo sheegaayey ummadda, saw may soo dabar go'in? Oo kaa xidhan maaha C/Maalik Muuse Coldoon, Weli-se ma muran baad ka keen is leedahay waxa sare ku qayaxan? Ilayn beel baad u qafushay madaxa ku dul saarane. Miyuu madmadaw kaaga jiraa? In aanay hal xalaal ah aqoon cayayaankaa meesha mid-ba iskii u gurdamayaa. Waxaan ugu dabayn kaga baxay, hees ku jirtay Riwaayaddii Barakhad-cas la odhan jirey, oo uu ku luuqaynaayey ( IHUN) Axmed Maxamed Good ( Shimbir loo yaqaanay), baa waxa uu is weydiiyey, askartan meesha yaacaysaa ma dad baa mise waa wuxuush soo boob tegay? ( Waa maamulkii Af-weyne'e), Isaga oo xaal-kaas ka hadlaaya, baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda heesta " Yam-yam koo kaloo, yalam-laynayaa i hor yaacayee, ma yahaa-buraa?, Ma yaxaas jinaa? Ma yac geesalaa? Waa la yaaban-yee. iyadda oo ujeeda-diisu tahay, waxan meesha jooga ee maamul ku sheega ahi maxay yihiin? Suuradda bani'aadamka bay leeyihiin, sidda kale-na waa ka bahaa'im soo daaq tegaye. Bal adigu kuwan yawga ah wax ku sheeg haddii aanad la mid ahayn, ama kaa sidda awrka aan tusaalaha sare kuugu sheegay, u dabranayn cadaalad darradda, cabdudhinta xoriyatul-qawlka lagu tuntay, oo ay kaa dhab tahay Somaliland baan daacad u ahay, hadna aanad hoosta ku wadan anakaa xukuna.

* N.B Qabiil bay ku maashaa, oo misna qiiqa qarisaaye,

Qaxar waxan ahayne kuma kacaan, qaado mooyaane,

Ha ku quusto kii qaran rabiyo, biidhi-qaatuhe.

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...