Xaraf Baa Qatane Gee Huudhaydhka ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday August 18, 2020 - 10:10:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaraf Baa Qatane Gee Huudhaydhka ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

 Maskax xumaani waa tan ku jirta askarigan madhan, waxan leeyahay, Miskiin yaa dalas, yaa saaxiibal doolaar, Shalaad baratee waa la shubi jirey, ceelka shacabka leh, isma ogide waa lagaa horeeyaa dhan kaste oo la eego-ba" Ma geyoo cad quudheed, weligay ma qaadane, adaa qaawanee ururso, huudhaydh-kan qudhinka ah, marna qaadan maynee, tuugyaw qaldhe-bayaa, kaad baloodh ka qaadiyo, Xaraf baa qatane gee" Rabbi ha u naxariistee, Wuxu yidhi Ibrahim aw  saleebaan ( Ibrahim Gadhle), Nin ku yidhi Masaan nahay, mar la qaad talaabadda, yuu midiidan kaa dhigan, midho aad la leedahay, yuu ku cunin is mood-siis, haduu tiisa maamulo, adna taadda maaree, maaley haduu yahay, mur ka sii qadhaadh noqo. Hadraawi isna wuxu yidhi " Nin ku yidhi sinaan-mayno, adna diid sarayn-tiisa, sad qudhaa wadaag-taane, ma sagaashan baa tiisu? Maya ee maaha, ee wax aanu hayn, noqona karin ayuu iska dhaadhi-ciyey "Raggii maadigaa ka hadhay" Ilayn waa caqli askari, oo weliba ah kaynu naqaanaye

 

 Salaxley uma baahna " Huudhadh iyo maryo duug ah, ee illaah wuu ka saraysiiyey,  qodaalka iyo adiga laf-taadda baa u baahan, waayo waxa cadaan ah, in aad maskaxdda ka aradan tahay, waxa kuu haboonayd, in aad u geyso kuwaad " Buurta kala jeexan" sidda hadhuudh shimbiro loo wadhay aad ku daadisay, salaxley ma geydo hunka aad meesha keen-taye, abl-koodiina si wacan bay u mariyeen. Isma qariyo ruux liitaa, sidda kan " Xafad-tooyadda" siddii awr gulaan ah, oo doobtii labadda can ay soo dhaafi la'dahay, sidiisii oo kale khiikh leynaaya ee is leh doob baa kaa soo dhici doonta. iyaba waa aqoon daro sideedda ahe, horaa sae loo yidhi " In kastoo la hagaajoo, dharka kiisa hagaagsan iyo hu' magaalo la saaro, hareeraa laga raaco, halyey loogu dhawaaqo, waa halkaad ku ogaydoo, hoori waa iska hoori" Weligiina-ba barbar yaaca, Waxan uga socdaa kan aan rabiba goror ugu shubin madaxa dul qotoma, magac kaste oo loogu yidhaa wax uma taraayo, ee wuxuun buu u dhuranayaa " xaar-walwaalkii uu ahaa" magac bilaah loo bixiyaa, ma dib buu u abuurayaa? Mise wax buu ka bedelayaa miyaanu kii uun ahayn " Nin seexday oo soo toosay, waa isagii uun" waa ka itaal baaska is leh waxa ku bedelaaya, magacyadda cusub ee laguugu yeedhaayo, sidda kuwuu basaday ee ay ka mdi yihiin " Mujaahid, Madax-weyne, hogaamiye, gudoomiye" Dabeed waa ka sidiisii isku sii daayey kaadid0iid siddii awr qooqay isku saydhi jirey, ilayn waa faqiir aan qadayn jirine, subxaana-laahi maaha iyo wax la yaabka ka sii weyn.

 

 Waxan u sheegayaa hadaba, Mataanuhu (  Waa Arab iyo garxajise), samaroon, Gabooye, Habar jeclo, Harti, Reer-na uma baahna dharka usgaga ah, ee gudaafadaha laga soo ururiyey, ee u qaybi Xarshin iyo Xaraf kuwa qaydka keliya guntan, ee qaxoontiga ku ah. Askarigu wuxu is leeyahay malahiisa, maatadda uu guryaha ka boobaayo baa caqli kuu kordhi-naysa iyo awood. dhar la gubo baad ka hadlay-saane. Waxan ku soo xidhay maqaalkan. Nin-ba wax is leh, " Alla-hayaw muxuu farnaji-gani, nacas fariideeyey, faa'iido laawiyo nin raga, fayl isugu keenay, nimaan aabihii maali jirin ( Waa Sidda raggii ma adigaa ka hadhaye), Faras muxuu saaray, Muxuu doqon ku fooryaa, Fariid fiintu ka ciyeyso, Muxuu fulay is taawiyey awood, aanu fili-haynin. Waase soo gabaga-bawday intii uu wakhtigu meer-meerin lahaa, kan haad ka roorka ah ee ku jira "Guriggii moorgan". Waxan ku soo dabray, Hambaliyo, Hambaliyo aan u diraayo Reer Salaxley, Waad ku mahadsan tihiin in aad gubtaan, kuwa u sacab garaacaayaw, u sheega in uu Graxajis oo dhan jeelka ku guro, bal waxay dhasho iyo halkuu ku dambeeyo, baa loo fadhiyi doonaa Eygan wax is bidaye.

* N.B Adaa Qaawanee Ururso, Huudhaydh-kan Qudhinka Ah,

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...