Beesha Gabooye....Waxa Qortay Mabsuud Mawliid

0
Monday August 17, 2020 - 23:53:48 in Articles by
  • Visits: 7297
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Gabooye....Waxa Qortay Mabsuud Mawliid

    Beesha Gabooye....Waxa Qortay Mabsuud Mawliid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Gabooye....Waxa Qortay Mabsuud Mawliid

Takoorku meel walba dunida uu ka jiraa. Ama midab ha lagu takooro, ama qabiil, ama diin e. Qabiilka Gabooye waa reer hab qabiil lagu takooro Soomalida dhexdeeda walow ay deegaanada Soomalidu ka sineyn. Beeshan waa la dulmiyey maskaxiyan, dareen ahaan iyo dadnimo ahaan ba waa loo diley ma aha mid qarsoon ama waxbay cuneen ku sheeg ama waanu matagney dhaha Isaaqow. Xadi intee leeg baa idinka soo noqdey markaa matagteen Iidoorow? Haseyeeshee waxan qabaa anigu inta umada kale yeeshey in ka badan inay iyagu is yeeleen. Sababtaad is weydiinaysa sow maaha? Anaa kuu sheegaya.




1: Gabooye wuxuu si toos ah u aqbalay dacaayada yar ee raqiiska ee ay uso jeediyeen Isaaq, waxay u foorarsadeen qaar u badheedhay. Qof kula siman dhan walba markuu ku duro ee aad aqbasho iin aanad lahayn sow adigu ismaad dilin. Soomaali aan sharci iyo dawlad adag idinku kala dhex jirin ma kaa kacayaa hadaad u foorar sato oo aanad hush iska odhan? Mayee sida xoolaha ayuu ku raranayaa sow maaha.


2: Gabooye ma waxay garan waayeen waar illaahay rag buu idinka dhigee wax iska dhiciya oo ficiltama la loolama ragan qayrkiin ah ee nolosha idinku diley? Ma aqoon kula loolama oo dhaqaale kula loolama oo horumar deegaan kula loolama ayey garan waayee? Sidey dhaqaale ama waxbarasho ugula loolami karaan baa kugu so dhacdey sow maaha? Ma jiraan qurbe joog badan o reerka ah oo dunida ku kala sugan oo wax ka bartey meelaha aan dadka la kala jeclayn ma schools bay dhisi kari waayeen oo ubadka yar yar wax bara? Ma ganacsiyo yar yar abuura ayey garan waayeen?


3: Intooda bulshada kale dhex gashey ee caqabadan ka gudubtey maxay uso badhi taari waayeen walaalahooda kale si ay bulshada wax ula qaybsadaan?


Haldoor Barkhad sow ninka reerka ugu cadcad hada maaha inta dhalinyarada ah? Magiciisa Haldoor ka horeeya hadii sababta uu ula baxay ama loogu bixiyey tahay inuu iska jabiyey silsiladii qufulneyd ee reerkoodu lugta ugaga xidhnaayeen reeraha kale miyuu ka jabin kari waayeey boqol isagoo kale ah? Habeenkii ubadka maskax ahaan, aqoon ahaan iyo wacyi ahaanba guuro bahalayn inay kuso kiciyaan bay ahayd. Kolay dhibta badan ee ay iyagu mareen kuwa danbe may mareen hadey wadiiqo u jeexaan iyagu oo tusaale u noqdaan.


Cilmiga kasmo nafeedka markaynu eegno wax jira wax jira wax loogu yeedho: Biopsychosocial. Waxay sheegaysa sida dhalanka hidaha, maskaxda iyo deegaanku isu saameeyaan ee isagu xidhan yihiin. Xaga danbe xataa hadi aad kaga timaado oo aad deegaanka horeysiiso saamayn bu kugu yeelanayaa maskax ahaan kadib genetic ahaan. Gabooye halkaasu marayaa maanta oo jiilka cusubi waxay aaminsanyihiin in wax barashu aanay muhiim ahayn qaarkood ma.adaam oo aanay ciseyn iyo shaqo midna ku helayn. Ma aha wax aan isla leeyahay ee waa wax aan arkay xiligii jaamacada oo aanu xog ururin ku saabsan riiqda uu takoorka bulshadu ku yeesho. ( Social stigma).


Gabooyow xaglo laaban xoolo kuma imaadaan ee madixiina kor u qaada oo haani gun bay ka tolantaaye isku noqda idinki. Isaaq ilmadiina uma qalmo e taas lafteedu waa calaamad ku tusinaysa inaad u jabteen kuwii hore idiin jabiyey.


Gabooye Nelson mandela oo kale inoo kaso baxaa looga baahanyahay.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...