Muqaalkani Waa Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Belguim Magaaladda Caasimad Eu Ee Brussels

0
Monday August 17, 2020 - 10:04:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqaalkani Waa Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Belguim Magaaladda Caasimad Eu Ee Brussels

    Waxa xafiisak wasaarada nagu qabiley. Ambassador Josef Smets,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa xafiisak wasaarada nagu qabiley. Ambassador Josef Smets,

oo ahaa Director of Afircan Departement ee Wasaaradda muddo badana ka soo ahaa safiir dalal badan oo Africa ugu yaraan 8 sanadoob buu ka soo shaqeeyey wadamadda Africa.....Muqaalkan waxa ka muuqda isagoo Rwanda Safiir ka ah.

 Image may contain: 6 people, indoor

Siyaasadda arimaha Dibaddu... Waxa saldhig u ah....Soyaalka taariikhdda, Dhaqanka, Dadka iyo dalkaas dadka degan iney xogogaal u tahey dhismaha dowladdnimadooda iyo taariikhdooda.

 

Intaas markaas garaneyso ayaad miiska soo dhigeysa waxaad wadaagi kartaan ama iskaga mid noqon kartaan.

 

Weftigaayga waxa ugu Da'weyn #Xildhibaan_Abdulqadir_Jirde. Hadalka isaga noo hogaaminayey. Waxyabaha aan #Gud_Ciro ku ixtiraamo waxa kamidda. Markuu madalaha caalamiga ah fadhiyo.

 

Teamka la socda waxu ku ixtraama xidhidhkooda iyo waayo aragnimadooda. Safarkaa waxa gadhwadeen noo ahaa oo ananu Kadaba hadleyn #Gudoomiye_Jirdde.

 

Waxaan xasuusta late 2016. Maraan la kulmey xafiiska UN Director-General of the United Nations at Geneva ee Xaruntiisu tahey Geneva, Switzerland. Ayaa waxa ii qabiley Polical officer headquarter oo ahaa nin Kurdi ah.

 

Waxu igu yidhi #Abdulqadir_jirde ayaan Siyaasiyiinta Somaliland saxiib Ka nahey oo aanu addiss_ababa isku baraney 1993. waxu igu yidhi ilaa hadda jirde muu lumin xidhiidhkeyga.

 

Isku soo wadda duubo siyaasadda arimaha dibadda lagu sheegaya waa inta aad saxiibo caalamiya leedahey, inta xidhiidhkaagu joogto yahey aanu aheyn...Malintaad bahan tahey, intaan garaneyso sidda calaamka loo kasabaddo ama aad mar walba xaaladda dalkaaga ula wadaageyso iyo guusha qarankaaga.

 

Waxyabaha aan kale kaga yaabey #Jirde_Ciro. Waa laba shaqsi oo Ku fiican balanta. Waayo dadkeenu kuma fiicna (Time). Dadka reer galbeedku time aad bey u ixtiramaan.

 

Labadoduba balanta waxey ugu dedaalaan sida ey tahey. Balse siyaasiyiinta iyo dadkeenu iyagoo 10:00 ayay iska imanayaa 10:15 ama 10:30. Taasi waxey keenta in madaxda na qaabileysa siwaji furan noo qaabilaan.

 

Markaasey waliba nagula kaftamaan. Dadkiinu balanta kuma fiicne idinku waad timadeen. Waayo waxa suurta gal ah. Xafiisyadan iney soo mareen madax African oo aan balanta ilaalin. Sideedaba Africa balanta ama waqtiga balanta lama ilaaliyo.

 

Isku soo wadda duubo waxbadan baan Kabartey, kulamadan oo aan anigu balamaha iyo isku durbaridkooda sameyey. Waxaanse ahaa ardey wali kudedaalayaa inuu wax korodhso.

 

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...