Gorfeynta Buugga Koore-dadab: Cishqi Iyo Colaad

0
Monday August 17, 2020 - 09:47:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gorfeynta Buugga Koore-dadab: Cishqi Iyo Colaad

    WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham

KOORE-DADAB cishqi iyo colaad; waxa qoray Axmed Maxamed Cabdi-kulumbo, waxa lagu daabacay Hargeysa 2017, shirkadda Asal-jet, tarmintii koowaad.


Mawduuca qoruhu qalinka u qaatay waa dhacdo nuxurkeedu ahaa; Fardo luugu magac-daray SUNNAARI oo la kala dhacay, ergo fardahaas ka daba-tagtay oo weji-gabax la kulantay, basaas loo diray in uu xog ka soo ururiyo beeshii fardaha ka dhacday, aanadii fardaha oo geel QAR-BUTEEYE la baxay loo qaaday iyo caashaq dhex maray dhallinyar labada beelood ee colaaddu dhex taal ka soo kala jeeday.



Oogada foolka jaldiga buugga waxa ka muuqda sawir cir darruuraysan, aqal-soomaali ku yaal sabo barwaaqo ah oo dheeggiisa uu ku yaal geed iila muuqda sogsog laba kale na ka dambeeyaan, nin caato ah, basaasaysan, timo weyn oo hal go’ guntan faras Xamar ahna xakamaha u haya. Halka rogga dambe ee jaldiga buugga Fardo dhawr ah oo kala jaadjaad ah iyo sawir kurreed qoraaga ahi k muuqdaan.


Laba akhris ama fahan ayuu buuggu yeelanayaa, waxa aanan u kala qaadi lahaa sidan;


1. Akhris caadi ah: Qofka sida caadiga ah u akhriyaa wuxuu buugga ka abbaarayaa dulucda ah; CAASHAQA IYO COLAADDA!


2. Akhris falsafaddeed: Qofka dariiqan buugga u soo maraa wuxuu ka dhex fahmayaa ugu yaraan toban mawduuc oo si dadban looga dhex baran karo dhacdada buugga. Aragtiinkayga aan sidaas u sii ridnayn mawduucyada aan ka dhex helaydhacdada buugga waxa aan ka soo qaadan karaa;


1.01. Garta iyo garsoorka Soomaalida "Somali custom law”

Hannaankii garsoorka Soomaalida in qofka wax ka ogaado waxa in badan ayuu ka baran karaa buuggan oo sawir wanaagsan ka muujinaya. Tusaale: Ergada marka geedka tagaysa marka la xulayo dadka la miidhaya kuma eka in luugu talo-galay in ay arrinta joogto uun wax ka qabtaan hasa yeeshee, waxa dhinac socota malcaamaddii xeer-beegtida labaatan sanno kaddib arrimaha ka garniqi doonta lagu diyaarinayay.


1.02. Culuumta daraasaadka dagaallada "War studies”

Asal ahaan dagaalku tan iyo carruurtii Nebi Aadan ee ugu horreeyay we is dilay arrimo aan shan ka badnayn ayuu isku dilaa, ismana beddelaan si kasta oo noloshu casri u noqoto, "The nature of the war.” Hasa yeeshee, waxa se dhalan-rogma waxa loo yaqaan dhaqanka iyo dabeecadaha dagaalka "The characteristic of the war”


Sheekada buuggan xiiso gaar ah ayay gelinayaa dadka wax uga baxsan yihiin culuumta dagaalka "War studies”


1.03. Xallinta khilaafaadka "Conflict resolution”

Haddaad hore u maqasheen murti tidhaa; "Belo daba la qabto ayay leedahay ee daaman la qabto ma leh.” (AHUN) Maxamed X. dhamac "Gaarriye” wuxuu isna isaga oo isla murtidan maansaynaya yidhi;


” Balo daaman qabasho leh,


Dabo-qabo nin yidhi baa,

Rag na ugu aqoon-daran.” Dhacdada buugga waxa laga baran karaa sida mushaakilaadka loo maareeyo iyo sida ay u qurux badan tahay inta dagaal si uun looga maarsan karo in laga meeraysto. Mar kale Gaarriye gabayga saxansaxo meeris ku jiraa wuxuu lahaa;


” Waxaan dirir guddoonsaday, markaan waayay daw kale!”


Casharrada waaweyn ee buuggu soo gudbinayo waxa ka mid ah dusha iyo samirka.


1.03. Xeeladaha basaasnimo "The Art Of Spy "

Aqoonta la-hal-maasha sirdoonku waa mid qof ahaan xiiso weyn I gelisa muddo afar sanno ku sii siqaysana waan ku raad-joogaa oo raacdadeeda maalin kama hadhin oo xaggaas arday baan ka ahay.Sidaas oo ay tahay, sheekada buugga gaar ahaanna inta basaasnimada khusaysa dhadhan gaar ah ayay ii lahayd tallaabo kasta oo ninka lagu naanayso Koore-dadab qaadaa waxa ay iigu xidhmaysay xogo hore ee oo aan culuubtan sirdoonnada hore uga hayay. Waxa sida oo kale i farax-galinaysay tabaha basaasnimo iyo xeel-durugsanaanta Soomaalidii guurtada raacatada ahayd. Qodobkanna waxa aan kaga bixi lahaa falka basaasnimo ee buugga luugu magac-daray kaas oo ah; Nin fardo-fuul gaamuray ah, abbaan-duul dagaalna na ah ayaa loo soo diray in uu basaaso hub, rag iyo fardo waxa ay haystaan reer Fardo ka soo dhacay oo aan qorsheeyeen in ay dhawaan ka soo duulaan.


Markaa isaga oo nacas dhawrtaysta iyo ciidan shaqaale hooseed ah iska dhigaya ayaa lagu yidhi Faraskaas kooree isaguna si loo khalad fahmo ama aan looga shakiyin ayuu faraskii koorihii gurrac u saaray. Sidaas na wuxuu kula baxay KOORE-DADAB!


Tajriibooyinka la marinayo iyo tubaha uu uga dabbaalanayo waxa ka muuqato dabin-ka-boodnimo iyo xirfad loox-jiidatay oo basaasnimo in uu ninkaasi lahaa. Ugu dambaynna waxa halkan laga baran karaa in Soomaalidu lahayd labada jaad ee Sirdoon ba, kuwaas oo kala ah;


INTELLEGENCE: Sirdoon.

COUNTER-INTELLEGENCE: Lid Sirdoon.


1.04. Sayniska dambiga "Crimninal Science”

Culuumta danuubta la xidhiidha Soomaalidu aqoon wanaagsan ayay u lahayd markaas meesha waxa ku jira hal dambi oo dhacay iyo wixii ka dhashay, noociisuna wuxuu ahaa; dambi qorshaysan "Organized Crime”


raadka dambigaas haddii la guro sida oo kale dhudda yar ee isla cilmigan ka baxda ee afka qalaad lagu yidhaa; Forensic Science ayaa dhacdada buuggan wax weyn ka korodhsan karta.


1.05. Cilmiga Beesha "Social Science”

Dadka raacdeeya cilmiga beesha gaar ahaanna laanta siyaasaddu waxa ay dhacdada buuggan kala bixi karaan in Soomaalidii noolayd badhtamihii qarnigii 19aad ay shanta nooc ee xorriyadda Aadmigu cilmi ahaan marto tan ugu horreysa ku jireen. Waxaana ay shantaasi kala yihiin;


Natural Liberty: Waa marka ay Aadamaha u bannaan tahay wax kasta oo xooggiisu u jiro in uu sameeyo, ee aanay jirin awood kale oo dhex ah oo dadka kala saarta.


Civil Liberty: Marka Aadmigu marxaladda hore iskugu awood sheegto ee uu Kibirka iyo qooqa isla jiidh-jiidho ayay u soo gudbaan marxaladdan labaad oo ah in dadku inta ay midoobaan cid u wakiishaan awoodahooda. Halkanna waa barta ay ka bilaabmayso baahida Aadmigu u qabo nidaamka dawladnimo.


Political Liberty, Hadda looma baahna in aan sharxo.

Economical Liberty, Hadda looma baahna in aan sharxo.

Social Liberty, Hadda looma baahna in aan sharxo.


Gunaanadkii waan boorrinayaa dedaallada lagu dhitaynayo dhigaallada noocan oo kale ah. Qodobka keliya ee aan qoraaga ku diidayna waa in uu buugga waxa jeedinaya wiilkayga yidhaa. Qoraalku wuxuu leeyahay,

1. Editor|Tafatire.

2. Co-author| Wada-qoris.


3. Author| Qore. Sidaas darteed, cid kasta oo aad u wakiilato ayaa jeedin karta xataa wiilkaaga laakiin qoraal ma gasho inta ogaalkayga ah. Geesta kale xagga higgaadda khaladdo aad iyo aad u yar ayaa ku jira iyagana waxa aan soo jeedin lahaa in laga saaro tarminta dambe.


WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham

DHAMMAAD

MAHAD ALLE.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...