Waxyigii Jacaylka.W/Q Cabdicasis Maxamed Warsame"

0
Sunday August 16, 2020 - 23:19:42 in Articles by
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyigii Jacaylka.W/Q Cabdicasis Maxamed Warsame"

    Waxyigii Jacaylka.W/Q Cabdicasis Maxamed Warsame"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxyigii Jacaylka.W/Q Cabdicasis Maxamed Warsame"

 

 





Jacaylku ma hawl yara, waa dhibaato iyo dheef is dhinac yaal oo oo kolba dhan baa lagaaga darayaa wadaanta, taas mooyi waxa uu jacaylku uga dan leeyahay e waa mid cid waliba ka marqaati kacayso.


 

 

Dadka qaar baa se isku daya in ay fasiraan ujeedada uu ka leeyahay jacaylku in uu laba qof midna uu derdero midna u doojiyo. Waxayna ku sheegaan in nasiibku sidaa yahay, in la jirrabayo qofka oo nolosha loo laylyayo si uu waayo arag u noqdo iyo in dadka qaar uu abwaaniin, hoobalo iyo qorayaal u diyaariyo si ay dunidiisa camiran wartebiyeen uga noqdaan, halka kuwa kale uu si fudud ugu adeego hawl iyo dhibaato oo dhanna uu ka dhawro.


 

 

Waxa aan ahaa 14 jir, Waxa ay ahayd dhawr iyo toban sano ka hor iyo magaalada Burco, berigaas oo aan dugsiga dhexe dhigan jiray, kolka aan maqlo magaca Jacayl waan la yaabi jiray oo riwaayad iyo dhalanteed baan u haystay. Waxa aan arki jiray innamada iyo hablaha fasalka oo qorayo waraaqo si qurux badan loo nashqadeeyay oo farshaxan lagu billay, oo qofba ka uu ka helo u dirayo isagoo u sii dhex marinaya saaxiibka ama saaxiibadda qofkaasi leeyahay. Taasi oo aan hoosta ka odhan jiray iminka maxaa kadeeday dadkan waaweyn ee miyirkii ka qaaday? Madaama oo aan ugu yaraa fasalka waxa ay iila muuqdeen dad waaweyn oo maalayacni ah, waayo ma aanan fahmi karayn dareenkani waxa uu yahay iyo doonista iyo damaca dadka isu gala ee qofba qof uun uu doonayo isagoo dadka kale soo dhaafaya ama aan dan ka yeelanayn. Aniga waxaa xiise ii lahaa kubadda iyo ciyaaraha kale ee ciyaalku jacaylkooda ka simanyihiin, dhanka kalena waxa aan xiisayn jiray dagaalka iyo sheekooyinka ku saabsan iyo wax iska celinta, oo xitaa filimaanta la daawado waxa aan jeclaa kuwa dagaalka ah, haddii maalintaa filinka la daawanayaa yahay mid jacayl ah ma aanan daawan jirin oo waxa aan u naqaanay aniga iyo lodkayguba "Daacaa" oo aan uga jeedno mid aan mudnayn daawasho iyo in waqti lagu lumiyo toona. Iyadoo dunidayda iyo aragtidayduba sidaa yihiin ayaa la gaadhay xilligii fasax sannad dugsiyeedka.


 

 

Markaas bay hooyo na kaxaysay aniga iyo walaalkay iga wayn oo na gaysay dugsi lagu barto luuqadda ingriisida iyo xisaabta. Maalintaas kadib waxa ii bilaabmay nolol kale iyo jawi cusub. Waa goobta aan isku baranay ee ku kullanay inantii aragtidayda beddeshay. Magaceedu waa Kaafiya, qiyaastii dhawr sanno waa ay iga yartahay, haddana kartideeda iyo fariidnimadeeda waxa aad moodaa in ay iga wayntahay. Waxa aanu nahay isku fasal oo habeenkii salaadda maqrib kadib baanu isku xiisad galnaa annagoo ilaa toban qof ah oo habliyo wiilalba isugu jira. Isma naqaano mana wada hadalno, laakiin labadyada qof waliba dadka kale ee fasalka wuu la hadlaa oo la sheekaystaa, mooyi waxa aanu labadayadu u kala maraatayn jirnay e.


 

Habeenkii dambe anigoo casharka sabuuradda macallinku ku dhigay aan qoranayno ayaan arki waayay kelmad meel cidhiidhiya gashay oo dhamaadka sabuuradda ah, waan kacay oo intaan sabuuraddii dul istaagay ku foorarsaday kelmaddii, annigoo higaadinaya, ayuun baan maqlay qof leh" waar dee meesha ka bannee maad caadi ahayn aan casharka kaa qorannee" gadaashayda ayaan soo eegay, saa waa inantii Kaafiya! waabay i huruufaysaa.


Anna wax aan aqaanay ba iskacelin baa jirtoo waaniga idhi " naa naga daa qaylada waa taa sabuuradiiye" intaan ka banneeyay meeshii. Hadalkii iyo dagaalkii wuu sii yar socday macallinkiina maqal oo xafiiska nala gee labadayadiiba. Halkaa oo macallinkii waano nagu soo akhriyay, anigana si gaar ah isoo canaanay. Iska soo noqonay annagoon wada hadlayn, oo ma awel baanu wada hadli jirnay? Iyadoo sidii xaal yahay ayuun bay Kaafiyi barayfatkii iman wayday muddo, tolow maxaa ku dhacay inantii, mooyi cid ka warantay ma jirin anna cid ma waydiin oo ma jirin sabab aan u waydiiyo, lakiin waxa aad mooddaa in aan qirsanahay in fasalkii uu si u bilaa jac yahay ka maqnaanshaheeda awgeed.


 

Qiyaastii markii ay bil ku dhawaad naga maqnayd bay soo noqotay. Markan is baranay oo hadalkii ayaa noo furmay, taas oo sababteeda ay lahayd iyadoo intii ay maqnayd fasalka lagu so kordhiyay in wiilasha iyo gabdhuhu ingiriisada ay dhigtaan ay labo labo ugu sheekaystaan inta macalinku isu dooro taas oo loogu yeedhi jiray "Conversation". Habeenkii u horaysay ee macallinku labadyada isu kaayo dooray, wali waan xasuustaa sidii aanu isugu miisnay ileen dagaal kalaa noo dheer conversation kee, dhan kalena habeenkaasi waxa uu ahaa habeenkii isugu kaayo horaysay ee aan wada hadlo, waxa uu ahaa habeen xiise leh oo khamiis khayr badan ah.


Maalintaa kadib waxa aanu noqonay aniga iyo Kaafiyi laba qof oo wada hadla, sheekadu isugu baxdo, ilaa markii dambe aanu noqonay laba qof oo marka la yidhaa halkaa istaaga oo conversation sameeya inta ay macallinka iska eegaan, fadhiista kaabad meesha ku hortaalay oo caadi isaga sheekaysta. Taasi waxa ay keentay in si qunyar qunyar ah ay nafsiyaddayada hoose isu ogolaato, oo marka anu kala maqanahay waqtigu dheeraado, inta aanu wada joognaana ay ilbidhiqsiyo noqoto.


 

 

Markaa kadib waxa aanu garwaaqsanay in waqtigu nagu yaryahay, maalintii dambe ayaan soo helay telifoonka landlineka gurigooda oo Somtel ahaa, mooyi sidii aan ku helay laakiin waxa aan xasuustaa in aanay iyadu ii qorin. Arrinkaasi mar farxad buu ii ahaa marna waxa aan ka xumaaday in taleefanka guriga noogu xidhani yahay Telesom oo aanan ka wici karin. Rag arrin kama dhamaadee waxa aan doontay meel landline Somtel ahi ku xidhanyahay, halkaas oo ahayd guriga habaryartay. Waan soo wacay nasiib wanaag kaafiya ayaa iga qabatay, "Hello, waa kuma?" Waxa aan cabbaar meermeeriyo kadib way igu dhigtay markaan hore isugu sheegi waayay. Haddana ku celiyay oo idhi "maxaad iigu dhigtay waa Salmaan e" markaas ayay tidhi" Alla walaal Salmaan ma adigiibaa, kuman garanayn ee ii waran? Maxaad isugu kay sheegi wayday?" Halkaas ayaan kasii amba qaadnay sheekadii oo xiiso iyo farax aan ku wadaagnay hadalkii.


Berigaa telifoonadda gacantu sidan ma ahayn ee waxa sitay uun shaqsiyaad muhiim ah oo keliya, sidaa darteed waxa aan ku qasbanayn in aanu isu sii sheegno kolka aan isa soo wacayno, mar haddii aan aniguna meel kale oo aan gurigayaga ahayn ka soo wacayo. Sidaas ayuu xidhiidhkaygii ku noqday mid jaadgooni ah oo yaab badan, waanu wada hadalnaa inta ugu badan, waan kulannaa inta aanu fursad isu heli karno, waxa aanu ka sheekaysanaa jacaylka, filimada, heesaha iyo mustaqbalka.


 

Iyadu marka ay arrimahaa ka sheekanayso waxa aad moodaa in ay waayo arag weyn ku tahay, sida ay meel dhaw wax iiga tusto ayaan ka helaa. Waa inanta qaadka maskaxdeedu iga yaabiyay iyo aftahnimadeeda aan hadalku xitaa u goynayn marqudha. Waxa ay ila wadaagtaa dhacdooyin ay maqashay oo sida ay uga sheekaynayso aad moodo in ay goobjoog u wada ahayd, kaaga daranta sida ay dhamaan arrimahaa fikrad uga dhiiban jirtay ee waxaasina waa qalad waxaasina waa sax si dhiiran ugu odhan jirtay wali waan la yaabaa, oo iminka ayaan idhaahdaa garasho weynaydaa inantu. Waxa ay ahayd toban jir aaanan wali arag qof la maskax ahaa, ka xarago wacnaa oo ka udgoon badnaa.


 

 

Sidaas oo ay tahay innamada lama ay hadli jirin hadday la hadlaana way maagi jirtay sidii ay anigaba bilowgii ii maagtay.


Igamana ay qarin jirin in ay aniga oo keliya innamadaba igala hadasho iyo in ay ka baqdo guud ahaan ba wiilasha.


Taasi waxa ay ahayd wax aan anigu xitaa marqaati ka ahaa, marmarka qaar waxaan dareemi jiray inaan ahay geesi maadaama oo aan ahaa ka kaliya ee ku guulaystay la hadalkeeda.


Iyadoo sidaa arrin yahay ayaa fasaxii dugsigu dhamaaday, waxa aan u gudbay fasalka sideedaad, iyana waxa ay usoo gudubtay fasalka afraad oo gelinka dambe ayay ka soo wareegtay, halkaas waxa kordhay fursadihii kulankayaga iyo is aragayaga, waayo isku iskuul baanu ahayn iyo isku xaafad.


Maalin ba maalinta ka dambaysa arrinkaygii wuu sii durkayay sheekadayaduna way sii kordhaysay, xidhiidhkayaguna wuu sii adkaanayay ilaa ardaydii iskuulku isku kaayo baratay, waayo daqiiqad kasta oo aan is haleelno waanu wada joogi jirnay meesha ay ahaataba, xitaa marka ay hablo la socota anna wiilal ee aan isku soo baxno salaanta ayaanu iskula soo baydhi jirnay inta aanu yara wada istaagno, haddii aanu wax muhiim ah isu sheegaynana si ka gaadhsiis leh isugu sheegi jirnay kadibna kala dhaqaaqi jirnay.


 

 

Inta aan kala maqanahay waxaan ka fikiri jiray oo maskaxdayda ku soo noqnoqon jiray ereyadeeda macaan, qosolkeeda qurxoon iyo dareenka gaarka ah ee aan ku dareemo ag joogeeda.


Diiqad kasta oo ihaysata iyo daalka noloshaba waxaan ilaabi jiray kolkaan xasuusto debacsanida, dulqaadka iyo dedaalka Kaafiya.


 

Aroortii markaan sii jeclaysto hurdada ee aan niyada galiyo inaan maalintaa u gembiyo iskuulka waxaan u kici jiray darteed, waxaan isu sawiri jiray anigoo lumiyay fursad ama mirir aanu isku arki lahayn taas oo keentay inaan jeclaado aadista dugsiga iyo dhigashada duruustaba....


 

 

La Soco Qaybta labaad.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...