Waxbarashada iyo Dhaqaalaha...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

0
Sunday August 16, 2020 - 22:16:55 in Articles by
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxbarashada iyo Dhaqaalaha...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Waxbarashada iyo Dhaqaalaha...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxbarashada iyo Dhaqaalaha...W/Q Axmed Xiis Dharbaan


Haddii ay hagaasto haayadda qaabilsan tayayta iyo fulinta tacliinta ee dal leeyahay, waxa maragmadoon ah dalkaasi in uu halis ugu jiro in uu dumo - baaba'o. Waxa aan xasuusnahay baadhitaan Maraykanku ku sameeyey sideetamaadkii nadaamkooda waxbarasho, baadhistaas oo qoraal laga soo saaray 1983kii, waxaa cinwaan looga dhigay "A Nation at Risk". Taas oo macnaheedu ahaa "Qaranku wuxuu ku dhaw yahay burbur". Su'aashu waxa ay tahay xukumadda Ina Biixi ee hadda ka talisa Somaliland, ma fahansan tahay qiimaha tacliinta, kartida iyo garaadka jiilasha dambe?

Image may contain: Axmed-xiis Dharbaan, smiling, sitting


Maya, Muuse iyo xukumaddiisu waa mid aan fahansanayn qiimaha aqoonta, haddii ay in uun aqoonta siin lahayeen maamuuska ay leedahay, waxa ay ku dayan lahayeen waddanka aynnu jarka nahay ee Ethiopia. Dalkaasi sida aynnu ognahay, wuxuu leeyahay dhul ku wanaagsan beeraha, waxsoosaarkooda beeruhuna waa heersare, haddana waxa ay garwaaqsadeen horumarka dalku in uusan ku xidhnayn beeraha ee uu ku xidhan yahay wershadaha. Iyaga oo ka dhaqaaqaya aragtida guunka ah ee laga dhaxlay Alexander Hamilton, waxa ay hirgaliyeen dhismaha warshadaha sibidhka ee dalkaas, kuwaas oo gabi'ahaanba dhalanrogay dhaqaalihii waddankaas, sida uu ku doodayo duqii hore ee Addis Ababa, iminkana ah lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Dr. Abiy Axmed, waa qoraaga ku takhasusay dhaqaalaha ee la yidhaa Arkebe Oqubay. Arkebe waxa uu leeyahay buugga la yidhaa "Made in Africa" oo uu si yaab leh kaga faallonayo horumarka wershaduhu ay u horseeday Itoobbiya - Arkebe waxa uu si gaar ah hoosta uga xarriiqayaa wershedaha sibidhka ee dalkaas.


Marka aynnu halkaa taaganahay ee aynnu ognahay sibidhkeenna cadceeddu ku dishay Saaxil, saw sida iftiinka uma arkaynno aragti gaabnaanta wehelka u noqotay xukumadda Biixi iyo gaar ahaan indhoolennimada haysata Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland.


Wasaaradda Tacliinta, haddii aad wayddiisaan waaxaha dhaqaalaha ee caadiyan jira ee la doonayo in ay dhalliintu ku kala foofaan, kuma siin karaan jawaab waafiya, waayo, waxbarashada waxa ay u yaqannaan oo kaliya imtixaan la qaado. Imtixaanka marka ay soo dhafaanna, waxa ay ku fannaan afarta wiil ee nasiibka u hela in ay fadhiistaan xafiisyada Hargaysa - kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Afartaa inan waxa ka badan kumanaanka dhallinyarada ah ee bilaa camalka ku ah gobolada dalka, waxa jira kumanaan dhallinyaro ah oo ka hayaamay dalka, waxa jira kumanaan kale oo hadda u xidhxidhay Xamar. Iyaga indhahoodu kumanaankaas ma arkaan ee waxa ay ku go'aan qaataan afarta wiil ee jooga xafiisyada siigada badan ee ku yaala shacabka Hargaysa.


Wasaaradda Waxbarashadu ma fahansana in ay wada shaqayn la leedahay dawladaha hoose ee gobollada, wasaaradda guryaha, qorshaynta qaranka iyo wasaaradda dhaqaalaha/wershadaha ee dalka. Haddii, waxahaas aan xusay aysan wada fadhiisan oo aysan dajin qorshe dhammaytiran oo daboollaya baahida ubadka Somaliland, waa haddii aysan daacad ka ahayn shaqada ay hayaan.


Sababta aan waxbarashada ugu ladhayo dhaqaalaha/wershedaha iyo dawladaha hoose, waxa weeye laba qodob oo wawayn: Mid waa in laga baarandago 'guryaha iyo magalaynta' midna waxa weeye 'shaqo abuur'. Shaqo marka la abuurayo,waa in wasaaradda maaliyadu ay noqoto hagaha qorshehaas, waayo, waxa muhiim ah wareeg dhaqaale in la abuuro. Kaasina waxa uu kasoo baxayaa, waxsoosaarka cuntada oo uu kalluun ku jiro, halkaa waxa ka kasoo baxaya shaqooyin door ah. Waxa badweyn ah "wershadaha" oo noqonaya:


Dhismaha
Macdanta
Xamuulka
Dayactirka
Jidadka
Isgaadhsiinta
Tamarta
Xoolaha iyo daaqa
IQB

Sida idiin muuqata WW&S waxa ay noqonaysaa xubin ka tirsan bahweynta guud ee dhaqaalaha u qaabilsan dalka, markaa aynnu halkaa joogno, WW&S waxa la gudboon in ay jaamacadaheedu noqdaan kuwo baadhitaan sameeya oo soosaara aragti hufan oo lagu hagi karo dalka.


Doodaydan waxa ay kaga falcelinayaan hawlwadeennada tacliintu, sidatan: Axmed wuu riyoonayaa ee SL ma samaysan karto wershado. Lakiin midhka aysan ka beensheegi karin, waxa weeye: Somaliland in ay samaysan karto wershadda sibidhka. Haddaba, maxaa ay u beeninnayaan doodayda, maa ay wax ka qaataan? Sababtu waxa weeye, deebacad baa jirta kasoo raacday dugsiyada, taas oo aysan fahansanayn, waa dabeecadda ah "Iyagu waa hawlwdeennada WW&S iyo guud ahaan shaqaalaha dawladae" ma rabaan isbedel, ma aha waa ay cabsoonnayaan, balse waxa weeye: Waxa lagu "programme" gareeyey in ay difaacaan nadaamka dajisan!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...