Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.
Isku soo wada duuboo maxamed kaahin wuxu hantay taageerada shicibka Somaliland waxaanuu ka mid yahay
sababta shicibka Somaliland u siiyeen taageeradooda xisbiga Kulmiye,
shicibkaas oo inta badan kala degan dhamaan Somaliland gaar ahaan
deegaanka gobolada Hargeysa, Saaxil, iyo Awdal iyo togdheer waana
asbabaha uu xisbiga kulmiye ku guulastay doorashadi madaxnimadda .
wasiir maxamed kaahin wuxu mar walbaa ogaa in u guushu daba socoto madaxweyne Muuse Biixi,
waana sababta uu mar walba warbaahinadda ka sheegi jiray hadala waaqica
raacsan in ay ciyaartu wakhti leedahay oo ay guushu timaado, , wasiir
maxamed kaahin waa nin daacad ah siyaasada xisbiga iyo dalka iyo
dadkaba waa tiir dhexaadka Somaliland, markaa la eego taageerayaasha uu
haysto waxaa odhan karaa wasiir maxamed kaahin waa rukunada mustaqbaleed ee ictiraafka somaliland , ee maaha nin la adeegsado , waa nin mawqif leh.
Qore khadar ibrahim
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!