Taariikhda Lacagta Ee Soomaaliya, Magaca Doolarku Halkuu Ka Yimi?

0
Sunday August 16, 2020 - 10:05:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Lacagta Ee Soomaaliya, Magaca Doolarku Halkuu Ka Yimi?

    Dr. Abdulqani Hussein Bedder

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Abdulqani Hussein Bedder

 

Garoocasho:

 

Dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa waddamadii uu gumeystaha reer galbeedku sida weyn u cago dhigtay, waxa ka jiray hannaan lacageed oo heerar kala geddisan soo maray wakhtiyo kala duwanna la isticmaali jiray.

 

Lacagahaas waxa ka mid ahaa lacagtii ay isticmaali jireen dawladihii Islaamka ee ka talin jiray geeska Afrika, oo adeegsan jiray lacag laga tumaalin jiray dahab, qalin iyo naxaas, waxaana la odhan jiray Diinaar, Dirham iyo Fuluus.

Taariikh yahanku waxa ay isku khilaafeen ciddii ugu horreysay ee Islaamka dhexdiisa lacag tunta, waxase loo badan yahay inuu ahaa Cabdimalik Ibn Marwaan amiirkii Khilaafada Muslimiinta, waxaanu tumay sannadkii 76aad ee Hijrada Nebiga- SCW- oo ku beegnayd 687 taariikhda miilaadiga.

 

Lacagtaasi waxa ay lahaan jirtay miisaanno kala geddisan, sidoo kale markii danbe waxay yeelatay ilo kala duwan oo ay ka soo baxdo ( ).

 

Lacagaha aadka u caanbaxay ee soomaaliya soo gaadhay waxa ka mid ahaa lacag la odhan jiray: Maria Theresa Thaler (MTT) oo ay boqortooyadda Osteeriya (Austeria) soo saartay sannadkii 1741-kii.

Magaca Dollar ayaa la tilmaamaa inuu asal ahaan ka soo jeedo kelmadda "Thaler” "taler” oo markii English loogu dhawaaqay noqotay dollar.

Lacagtani waxa ay soomaaliya ka soo gashay dhinaca carabta oo iyaguna ka soo qaatay Turkiga oo xidhiidh ganacsi la lahaa Osteeriya, waxaanay aad ugu faaftay deegaanada geeska Afrika oo dhan.

Waxa kale oo la tilmaamaa in qaybta koonfureed ee Soomaaliya laga adeegsan jiray xilliyada qaarkood lacag lagu magacaabi jiray "Omani Biaza”, halka Saylac-na laga isticmaali jiray Alquruush al Masriya iyo weliba "Othoman Lira” sida ay tibaaxayaan ilo-xogeedyo muhiim ahi.

Sidaas oo kale waxa dalka soo galay badhtamihii qarnigii 19aad  lacag la odhan jiray: "Indian Rupee” Rubbiyadda Hindiya, oo ilaa qarnigii 20aad shaqaynaysay.

Sannadkii 1937-kii, ayuu gumaystihii Ingiriisku soo saaray lacag uu u bixiyey "East African Shilling” oo uu si rasmi ah uga shaqo geliyey geeska Afrika intii uu ka gumaysanayey oo Soomaaliland ka mid ahayd (British Protectorate of Somaliland), in kasta oo adeegsiga rubbiyaddii Hindiyana sii socotaya ilaa ay Hindiya ka qaadatay xorriyadda sannadkii 1947-kii.

Soo gelitaankii bangiyada ee Soomaaliya:

Buugga: Bangiyada Islaamka iyo Hab-dhiskooda shaqo, boggaga: 75-76

 

 

Dr. Abdulqani Hussein Bedder


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...