Macnaha Magaca Eebe
W/Q: Guuleedayaanle Axmed Cumar
Horta adeegsiga Ereyga Eebe waa mid taabogalay oo Soomaalida haddeer u
taqaan Alleh sidaasna ku saxan. Afkuna sidiisaba waa dhawaaqyo isku
tagay oo ereyo sameeya oo dadku erey kasta wax gaar ah sumad uga dhigtay
oo la isla gartay ama la is ku la aqoonsaday. Inta badan ereyga iyo
waxa loo yaqaano xidhiidh kama dhexeeyo waxaana taa ka hadasha aqoonta
semantics ee ereyada iyo macnahooda ku foogan. Marar kalena waxa dhacda
in ereyada macne-guur ku dhaco oo waa hore waxii loo yaqaan inta laga
kaxeeyo macne cusub la siiyo.
Magaca Eebe waa erey la macne ah "dhamme" (dhamays). Ereygu waxa uu u
dhisan yahay eeb#e oo ah qaabka yeelaha, waxaanu la dhisme yahay jir#e,
joog#e, cun#e iwm.
Inta badan ereyada alifka ku bilaabma Soomaaliga kolkol waa la
dheereeyaa kolkolna waxa aad arkaysaa iyagoo gaaban sida; aabe oo ka
yimid ereyga "ab" oo sida muuqata shaqalkiisa la gaabiyay. Waxa la mid
ah "aag" oo markan si gaaban loogu dhawaaqo "ag" iyo "agagaar".
Eebe waxa uu la jirid yahay ereyada ebi, ebyan, ebyoone, eebo iwm.
Waxa muuqata in dhawaaqqa "e" qaarkood la dheereeyo qaarkoodna la
gaabiyo marka lagu dhawaaqayo. Sida aynu kor ku xusnay waa arrin caadi
ah oo la xidhiidhta codeynta.
Weydiintu waxa ay noqonaysaa: halkee macnaha Eebe ee aynu "dhamme" ku sheegnay u cuskanay ama ka keenay?
Sida aqoonta etymology ina barayso ereyada macnahooda si loo sugo waxa
la raadiyaa ereyada kale ee ay sal-wadaagga yihiin, kuwaas oo
macnahooda inta la taxo dabadeed halkaa laga soo dhiraandhirsado macnaha
ay wadaagaan. Si aynu haddaba macnaha Eebe u sugno aan dhugano macnaha
ereyada aynu kor ku xusnay ee ay sal-wadaagga yihiin.
Ebi waa erey fal ah oo macnahiisu yahay
"Hawl hore loo bilaabay ama qabyo ahayd dhamaystirid". Marka lagu
yidhaah "ebi" waa amar toos ah oo qofka la la hadlayo la farayo in hawl
qabyo ah uu dhamaystiro.
Ebyan waa erey "Tilmaan ama sifo" ah oo macnahiisu yahay "wax la dhamaystiray noqosho" ebyoon iyana waa la macne.
Halkaa waxa inooga muuqata in ereyadaa sal-wadaagga ah dhamaantood
ereyga "dhamaystir" wadaagaan. Si kale haddaynu u dhigno fal-amarka
"ebi" waxa uu la mid yahay "dhamee". Marka labada erey dibkabayaasha ka
reebno inta inoo soo hadhaysa oo ah salka ama jiriddoodu waa "eb" iyo
"dhan". Haddii aynu dibkabaha yeelaha ee "e" raacino waxa ay noqonayaan
"ebe" iyo "dhamme" (sida caadiga ah "n" marka ereyga ugu danbeyso haddii
dibkabe la raaciyo "m" ayay isku badashaa sida "san" = "same" ama
"samaan", "xun" = "xume" ama "xumaan".
Hadal iyo dhamaan afku waa kolba sida bulshada ku hadashaa iskula
garato ee ay u adeegsato. Afkastana waa ku jiraan ereyo macne-guur ku
dhacay iyo ereyo kale oo aanay macnahooda afkoodu qeexi karin, waxaana
ka mid ah ereyga Alleh oo af Carabigu aanu qeexi karin macnehiisa iyo
asalkiisa toona. Se ereyga Eebe waa erey Soomaaliyeed oo dhamme la macne
ah.
F.g
Macnaha ereyada kor ku xusnay waxa aan ka soo qaadanay Qaamuuska
Af-soomaaliga ee ay wada diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla
Cumar Mansuur.
W/Q: Guuleedayaanle Axmed Cumar
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...