Maxaa Laga Filan Karaa Maxkamada Sare Ahna Maxkamada Dastuuriga Ah Ee Dalka Oo Loo Gudbiyey Caqabadii Saami Qaybsiga
Ee Doorashada Wakiilada Hortaagnayd In Ay Xal Sharci Ka Soo Saarto ? !!
Muxamed Dhimbiil
Xeer no 20-2/2005 waa Xeerkii doorashadii hore ee Golaha Wakiilada
Jamhuuriyada Somaliland lagu gallay sanadkii 2005 , muran badan iyo
murug saamiga ah awgeed ayuu Madaxwayne Daahir Rayaale u gudbiyey
maxkamada sare ee jamhuuriyada Somaliland oo ah maxkamada dastuuriga ah
ee dalka oo awood u leh tafsiirka shuruucda dalka.
Maxkamadu waxa ay soo saartay go'aan lagu galay doorashadii golaha
wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee dhacday 2005 taasi oo uu ku cad
yahay qodobka 12naad ee xeerka doorashada Golaha wakiilada jamhuuriyada
Somaliland xeer no 20-2/2005 faqradiisa 1aad.
QODOBKA 12naad
Habka Qaybinta Kuraasida
======================
1- iyada oo mudnaanta la siinayo danta qaranka ugu jirta taaba
galinta doorashada awgeed , saamiga kuraasida goboladu ku yeelanayaan
golaha wakiilada waxa doorashadan oo kaliya loo qaybiyey sidan;
1- Gobolka Hargeisa 20 kursi
2- Gobolka Togdheer 15 kursi
3- Gobolka Awdal 13 kursi
4- Gobolka Sanaag 12 kursi
5- Gobolka Sool 12 kursi
6- Gobolka Saaxil 10 kursi
Waxa qodobkaasi ku cad in xeerkani uu shaqeynayey kaliya halkaa mar
oo kaliya , waxaana ay ahayd in xalka iyo waxa doorashada dambe lagu
galayo uu golaha wakiiladu diyaariyo iyo xukuumadihii hore ee dalka soo
hogaaminayey.
Waxa wax lala yaabo oo laga xumaado ah in 15 sanadood ka dib halkii
la taagan yahay oo caqabadiina taagan tahay, taasi waxa ay ka dhigan
tahay ama u muuqanaysaa in aan diyaar loo aheyn in la sameeyo xeer iyo
qorshe ay umadani wax kuwada lahaato.
Waxa xukuumadan uu hogaaminayo Madaxwayne Biixi loo dhiibay banbo
afka ka xidhan oo ay xalin wayday xukuumadii ka horeysay iyo golaha
wakiilada ee fadhiya 15 ka sanadood, sidaasi oo kale axsaabta qarankuna
ka muquurteen mar Madaxwayne siilaanyo ku yidhi xal ka soo gaadha oo ay
ka baqeen isla markaana aanay sharciyan aheynba hawl iyaga u taalla.
Maanta ayaa mar kale xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Xeerkii isku
waydaarisay maxkamada sare ee dalka jamhuuriyada Somaliland, ka dib
markii waxgaradka iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal ka biyo diideen in ay
sidii hore ku galaan.
Marka la eego xalka kaliya ee lagu wada qanci lahaa in uu ahaa in
dalka tirakoob dadwayne laga sameeyo oo gobol waliba tirada dadkiisa ku
goosto waxii ay kuraasi ka helayaan 82 kursi ee Golaha wakiilada
jamhuuriyada Somaliland, sidaasi oo kale arinkani gobolada iyaguna aad u
danaynaya se aan hadda hadal ee uu wax u soo kordhin karo waxa ka mid
ah Gobolka Hargeisa iyo Gobolka Togdheer oo la rajaynayo labadaba in
tiro u korodho marka la eego dadka ku nool.
Waxa la isweydiinayaa tolow maxaa laga filan karaa maxkamada sare ee
dalka jamhuuriyada Somaliland oo la hordhigay arin adag oo dalka oo
dhami ka maagay isla markaana aan la hayn xal rasmiya ama ku meelgaadh
ah oo ay Somaliland isla qaadato si dalka dooraashooyin uga dhacaan.
Somaliland waxa dhibaato ku haya mudo kordhin oo nidaamkii
dimuqaradiga ahaa ee dalku qaatay la kortay iyada oo la caadeystay
waliba 99% sharciyada loo cuskado mudo kordhinta iyo xaaladaha lagu
kordhiyaa aanay ahayn kuwa shuruucda dalka ku qeexan .
Marxaladaha maanta lagu jiro iyo caqabadaha jira ayaa ah qaar aad u
kala fog iyada oo Somaliland ay joogaan goleyaal wada mudo dhaafay oo uu
ugu horeeyo Golaha Guurtida oo la doortay 1997 kii mudo xileedkooduna
ahaa 6 sanadood oo ilaa maanta oo ay ka soo wareegtay 23 sanadood
fadhiya , sidaasi oo kale Golaha wakiilada ayaa la doortay sanadkii 2005
oo uu mudo xileedkiisu ahaa 5 sano ayaa iyaguna maanta jooga oo laga
joogo xiligii la doortay 15 sano.
Sidaasi oo kale waxa iyagana ay mudo xileedkii la doortay ka
dhamaatay Goleyaasha deegaanka dalka oo la doortay sanadkii 2012 kii
mudo xileedkooduna ahaa 5 sano , xiligii la doortay waxa laga joogaa 8
sanadood oo waliba aanay jirin cid iyaga u kordhisay iyo sharci ay ku
sii fadhiyaan toona.
Waxa intaniba kasii daran waxa ay 10 bilood oo kali ahi ka hadheen
xiligii gudiga ururada iyo axsaabtu ku dhawaaqi lahayd in tartankii
ururada iyo axsaabta Somaliland furan yahay si sanadka 2022 doorashada
deegaanka loogu tartamo , waxa iyaguna werwer laga qabaa hadii ururada
la furi waayo axsaabta siyaasada ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid waxa uu
liisankooga xisbinimo ee 10 sadood kaga eeg yahay 2022 , oo waxii ka
dambeeya ma ahaanayaan axsaab qaran.
Mohamed Abdi Jama
Hargeisa, Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...