6 Gobol + Beeluhu Siday U Qabsadeen 82 Kursi Ee Golaha Wakiilada Somaliland.
Waxaan faalo yar ka qori doonaa farqiga u dhaxeeya laba doorasho golaha wakiilada ah oo kala qabsoomay 1960 iyo 2005. Iyo saamiayada beeluhu kala heleen, labada doorashaba nidaamkoodu wuxuu ahaa nidaamka xisbiyada saddexda ah iyo hal qof iyo hal cod.
Doorashada 1960 kuraastu waxay ahayd 33 kursi. Yaalana 33 goob doorasho, kursi walba waxa xisbi kasta ka sharaxayay min 1 qof oo loo arkayo in uu matalo goobta kursiga leh,
3 daa qof mid ayaa guushu racaysay. Saamiga guud ee beelaha iyo dagmooyinku qaydhinka ayay wax ku baysan jireen iyadoo dumuqraadiyadana la ilaalinayo
Doorashadan 2005 waxa la isku raacay in loogalo si la mid ah tii 1960 dhanka soohdimaha oo ah lixdii dagmo ee 1960 dhanka kuraasi qaybsashada waxa la isku af gartay in dagmo walba kuraasteedi 1960kii lagu dhufto x2.5 oo u dhiganta ta guud 33x2.5=82.5 noqonaysa. Iyadoo laga tagay tii ugu mihiimsanayd oo ah kursi walba in uu goob dorashadiisa yeesho iyo sahdinta sanaduqdiisa la dhigayo cod bixintiisa. Hadaan ku fasiro goob doorasho waa saami qaybsi dhanwalba ah qof kastaa waa yaqaana goobta uu iska sharaxi karo goobtuna waa taqaana qofka xaqa u leh in uu matalo, hadhawna laxisaabtamayaan xisbiguna waa yaqaanaa qofka uu xulanayaa in uu yahay ka goobtan matala. Ta kale heshiiskii 2005 doorashada lagu galay siduu ahaa ma loo fuliyay waa maya. Hadaba dagmadaa wax dhacday beeshee ayaa wax dhacday adigoo mid walba x2.5 ku dhufanaya.
1960 isaaq 19 x2.5 = 47.5
1960 beelaha kale 14 x2.5 = 35
2005 isaaq. 57
Beelaha kale. 25
Kuraastan hadaba isaaqo celiya oo siiya cidii lahayd una qaby sada sidii reer walba 1960 kii helay
Xuquuqda qoraalka Muruq maal.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!