Sallaxley Halka ay ka dhimatay waa Gole Deegaan Ku Sheega 13 ka Xidhibaan
Degmadda Sallaxley oo ah Degmo Derajadda (C) ku jirta Degmooyinka Dalka Somaliland' waa Degmo FAC Weyn oo Taariikhi ah isla markaana Maamusha Tuulooyin Tiro badan oo hoos yimaada kuwaas oo Shacab balaadhan oo Beeralay iyo reer Guura Iskugu jira maamusha' balse Nasiib daro waxa deegaanka Sallaxley dhinac kasta oo Horumarineed kala hadhay Duruufo iyo dhibaatooyin isbarkan oo ay ka koow tahay Golaha Deegaanka ee Degmada Sallaxley ay Shacabku u doorteen sànnadkii 2012-kii doorashadii Somaliland lagu doortay Golayaasha deegaanka ee wakhtigan Kuraasta wali ku fadhiya mudo kordhino Isdaba Jooga ee loo sameeyey sanadihii tegay.
Degmadda Sallaxley oo uu maayar ka yahay Ismaaciil Yuusuf Cilmi (Shiine) waxa sida aan kor ku xusay Golaheeda deegaanku ka kooban yihiin 13 Xildhibaan oo 5 sanno mudada sharciga ee Kuraasta inay ku fadhiyaan loo doortay ay ahayd balse waxay haatan xilka joogaan 8 sanno oo ah wax ku dhaw Laba Teeram mudadaasi ay gole deegaan oo waliba Cod shacab ku yimid laguna soo doortay Kuraasta ku joogaan nasiib daro hal Wado oo Magaaladda Sallaxley ay ka hirgeliyeen oo umaddooda ay berito wax qabad lagu xsasuusan karo oo dhigaal noqota kamay dhisin Sallaxley' iska daa adeegyo kale oo horumarineed oo Dowlad hoose ay xaq ugu lahaayeena bulshada deegaanku inay qabtaan 13 kan Nin ee Xilka ay afka ka sheegtaan ay Sallaxley ka qabteen waxaan filayaa dadka reer Sallaxley haday jirto inay iyagu soo sheegi anigu ma maqale.
Degmadda Sallaxley waxa iyaguna xaqiiqo ah inay Hagradeen dhamaan dadkii u dhashay ee Xukuumada' Labadda Gole baarlamaan iyo Dowladda Somaliland ugu jiray ee Xilalka kala duwan ka hayey oo noqday kuwo aan Irbad dun u gelin oo Danahooda iyo Xilalka ay deegaanka Sallaxley ku metelaan ee hayaan kaliya mid kasta Naftiisa in uu uga faa'iideeyo ku koobay' iyada oo aynu og nahay meelaha Degmadda Sallaxley mashaariicda yar yar ee faro ku tiriska ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashadda iyo mashruuca kaliya ee ugu Dhumucda wayn ee dhismaha Waddadda Cad ee Sallaxley iyo Hargeysa isku xidhaa inay yihiin Mashaariic ay dadka Qurba Jooga oo waliba Tacabka ugu badani uu ka galay yihiin Haweenka Hablaha Gaaroodi ' Qurbajooga deegaanka u dhashay iyo dadka kale ee reer Sallaxlay ee gudaha jooga oo si Nafhuritaana Lacago ay iska ururiyeen Mashaariicda yar ee muhìinka Sallaxley iyagu gacantooda ku hirgashaday markii ay arkeen inay faro madhan ka taagan yihiin dadkii Madaxda ahaa ee Dowladda deegaanka Sallaxley ugu jiray iyo waliba 13 Xildhibaanku sheeg ee ku fashilmay inay 8 saano oo ayKuraasta ay fadhiyaan 1 Wado Sallaxley ka dhisaan.
Ugu dambayntii waxaan bulshadda reer Sallaxley u soo jeedinlahaa bal ugu yaraan inay dadka deegaanku isku tashadaan oo 13 Xildhibaan ee ay u dooran doonaan mdoorashadda soo socota ee golayaasha deegaanka ay u Xulaan dad sida kuwan fashilka ee maanta iyaga oo 8 jirsaday intay Xilka joogaan oo kale noqon ee Sallaxley Gurmad bay u baahan tahay iyo dad Illaahay ka cabsanaay oo shacabka Masaakiinta tamartooda iyo dhaqaalaha koobàn ee soo gale ee rag waxqabad iyo Daacadnimo leh Ardaayadda ay ka imanayaan haw xulaan Rag Tayo' Aqoon iyo Waayo aragnimo ay wax ku qaban karaan leh' waxa kale oo aan iyagana leeyahay waar kuwiinan Golayaasha dowladda Somaliland iyo Siyaasadda ku jiroow ALLE ka cabsada oo deegaankii Sallaxley ee aad xilalka iyo Mansabyada kala duwan ee aad haysaan ku metelayseen magac ahaan waad hagrateen oo wixii mashaariic ahayd ee Deegaanka Sallaxley ay xaqa ugu lahayd waad hagrateene usdaba qabateeya oo dib iska saxa oo Degmadan Xaqeeda uga soo qaada Dowladdooda Somaliland sida kuwa idin la midka ahi ugu doodaan ee deegaanadooda Cadka ay leeyihiin loogu qaado barta oo ku dayda raga idinla midka ah.
Wa Bilaahi Towfiiq
Qalinkii: Zir Abdiwali Ali Ismail
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!