'' La soco aduunyadda ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Friday August 14, 2020 - 09:26:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La soco aduunyadda ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    "Orurs Reis wuxuu ahaa badmaax u dhashay Albanaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Orurs Reis wuxuu ahaa badmaax u dhashay Albanaya"

Turkiga iyo Giriiga ayaa isku maandhaafsan baadhista shiidaalka turkigu ka baadhayo badwaynta Midetareeniyanka baryahanba iyadoo turkigu aanu dheg jalaq u siinin baaqyo Giriigu baryahaba soo jeedinayay in turkigu joojiyo sahaminta shiidaalka .

 

Wadamadda Masar iyo Giriiga ayaa iyana dhawaan ku heshiiyey in ay iska kaashadaan qadiyadda Badwaynta midatareeniyanka , iyadoo sadexda wadan ee Turkiga , Giriiga iyo Masar isku haystaan xuduudaha badeed ee ay ku leeyihin bad-waynta Midatareeniyanka

 

Dhinaca kale , wadamadda Giriiga iyo Faransiiska ayaa dhoollutus milateri ku sameeyey badaas la isku haysto iyagoo kusoo dhawaaday aagaga Turkigu sahanka ka waddo , waxaanay ku hanjabeen in ay weerarayaan Markab la yidhaahdo Oruc Reis oo turkigu leeyahay , markabkaas oo ah markab wayn oo dagaal oo ilaalinaya maraakiibta hawlaha sahamisska wadda .

 

Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Ordagan oo ka jawaabaya dingintan soo yeedhay ayaa yidhi '' Hadii giriigu wareero markabkayagga Orus Reis waxay ugu kici doontaa qiime aad u sareeya , isaga ayaana ka jawaabi doona caawiqib xumada ka dhalata .

 

Sidoo kale , wasiirka Gaashaandhiga ee Turkiga ayaa isna caawa sheegay in ay maraakiibta dagaalka ee Turkigu ilaalinayaan markabka Orus Reis iyo hawlaha sahaminta shiidaalkaba , diyaarna uyihiin in ay iska difaacaan weerar kasta oo laggu oo qaado .

 

Raysal wasaaraha Isreal Banyamin nataniyahu oo isna maanta kula kulmay wasiirka arrimaha dabadda ee Giriiga oo booqasho ku jooga Qudus ayaa sheegay in ay Giriiga iska kaashanayaan Istaraajiyada bada Midhatareeniyanka , kana soo wada horjeedaan gardaradda Turkigu ku hayo waa sidda uu hadalka u dhigaye .

 

Orurs Reis wuxuu ahaa badmaax u dhashay Albanaya oo ka tirsanaa ciimadii boqortooyadii cusmaaniyiinta , waxaanu ahaa Admiralkii ka xoreeyey Badda Midatareeniyanka dawladihii reer yurub , waxaana laggu xasuustaa xorayntii Algeria waxaanu muddo ahaan jirey taliyaha ciidamada cismaaniyiinta ee galbeedka badda Midatareeyinka , sidaa darteed waxaaa loogu magac daray markabkan oo ka mida kuwa ugu muhiimsan maraakibta ciidamada bada ee Turkiga , la soco aduunyadda .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...