Dhismeyaal Badan Oo An Dhirlahayn Oo Kusii Badanaya Caasimadii Iyo Carqaladaha (Consequences) Ka Dhalankara. W.Q Abdiqani Salaf.
Sanqadh dhaga bani aadamka dhagahiisa kusoo dhacda waxa ugu qiimo badan xaga nolosha inagu xeeran ee dabiiciga ah cida iyo shaamareerka
shimbirimaha. Shimbiruhuna waxay ku noolyihiin dhirta waawayn. Markii
geed wayn lajaro ee loo bedelo dhuxul waxaa meesha ka baxa nolosha noole
badan oo ku dul noolaa oo ay ugu muhiimsanayeen shimbiro. Cidi
shimbiraha marka aad joogto meel bilaa sanqadha waxa ku safaysma
maqalka, waxa ku raxaysta dhega sidoo kale waxaa kaa yaraanaya culayska
iyo (depression) uu dhaliyo buuqa magaaladu.
Qof waliba wuxu jecelyahay hadhka dhirta xataa gaadhigiisa wuxu la
jecelyahay hadh hadana waligaa geed aad jarto mooyee geed maad beerin
adigaan haa waa runtay aqriste waad jeceshay dhulku wada dhir noqdo
lakin hadana waxad necebtay dhir beerista. Dhirtu waxay ka mid tahay
waxyaabaha noolaha ka caawiya nolosha. Dhanwalba markad eegto nolosheenu
waxay kutiirsantay waxa dhulka kasoo baxa wayo samada rooobka iyo
raxmada Allah swt. Aya inaga xigta lakin nolosheeyo wa dhirta iyo wixi
lahalmaala.
Magaalada hargeisa waxay ahanjirtay ta ugu dhirta badan Somaliland
maantana waata ugu dhirta yar. Waxay ahayd magaalo qabow oo cimilo
wanaagsan maanta lakin berbera Aya ka qabow. Bilkasta waxa la dhisaa
ugu yaraan 270 guri halgeed cidi m beerto. Dadkii xanuuno badan oo
barigii ay dhirtu badnayd aan la arki jirin ayay kawada cabanayaan
maanta. Waxan ku talinayaa inaan dhirta beeristeeda ku dedaalno kaliya
afar geed ka hor beer gurigaaga faa,idada waad arki doontaaye.
Allah Mahadleh
Waa qalinkii
Abdiqani Salaf.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...