Maxaa La Igu Nacay?!

0
Thursday August 13, 2020 - 14:51:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa La Igu Nacay?!

    "guri joog ah oo waxbaratay, shaqaysata, laakiin aan ku badneyn goobaha bulshaddu isugu yimaadaan".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"guri joog ah oo waxbaratay, shaqaysata, laakiin aan ku badneyn goobaha bulshaddu isugu yimaadaan".

"Wiilasha Aan Asxaabta Nahay Waxay igu Hor Shukaansadaan Hablo kale, Anigoo Ag Fadhiya, Sababtoo Ah aniga Gabadh iima Haystaanba". Hadalkaas Waxa ii Sheegtay Gabadh Wanaagsan Oo Saaxiibbo Badan Ku Dhex Yeelatay Wiilasha! Waxa jira Hablo Caan Ka Ah Xafladaha, Bandhigyadda iyo Meelaha Dadka Laysugu Keeno!

 

Waxa Dhinaca Kale jira Wiilal Markasta U Yeedha Hablahaas, Oo U Sheega in Aaney Ka Maarmin Markay Noqoto Abaabulka Hawlahan!

 

Maalinta Danbe Ayaad Arkaysaa Inantii Hebla Oo U Hanbalyaynaysa Wiilkii Hebel, Ee Ay Hawlaha Abaabulka Ku Wada Jiri jireen!

 

Cajiibku Waxa Weeye, Markaad Eegto inanta Uu guursaday inankii Hawlahan Hablaha Geliyay, Waxaad Ogaanaysaa in Ay Tahay Gabar aan hawlahanba gelin Oo guri joog ahayd! Waxaad is waydiinaysaa sababta wiilashaasi ay hablaha ugu yeeraan marka ay xafladdo iyo dalxiisyo miyi iyo magaalaba waddaan, laakiin aaney u rabin in ay hablahan guursadaan la jaanta iyo jeebtaba ah !

 

Sababtu wax kale maahin ee wiil kastaa wuxuu rabaa in uu guursado Oo ay xaas u noqoto gabar guri joog ah, "guri joog ah oo waxbaratay, shaqaysata, laakiin aan ku badneyn goobaha bulshaddu isugu yimaadaan". Wiilkaasi ma rabo in uu xaas ka dhigto inantii uu xaflad kasta uga yeeri jiray ee uu caanka kaga dhigay hawlo aan danteeda ahayn!

 

Munaafaqnimo ka weyni ma jirto in hablaha guryahooda laga soo saaro, markay mustaqbal noqotona la raadsado kuwa guryahooda joogga


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...