Qiimeyn: 100-ka maalmood ee Madaxweyne Siciid Deni ( Qore: CabdiwaliGooni)
100-kii maalmood ee ugu horreysay ee uu talada Dowlada Puntland hayay,
Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullahi Deni wuxuu galay 1 safar, isagoo
booqday 1 dal, wuxuuna dalka ka maqan yahay 9 maalmood, taas oo celclis
ahaan aad uga yar intii ay maqnaan jireen Madaxweynayaashii hore.
Arimaha uu Madaxweynaha xooga saaray 100 maalmood wax ka mid ah
Xoojinta amniga dalka, hirgelinta qorshayaasha dhismaha goleyaasha
degaanka, habka maareynta xogta maaliyadda, kor u qaadidda xirfaha
shaqaalaha & xoojinta Tayeynta waxbarshadda, Qorshe howleedka
Wasaaradaha dowladda, fursad siinta in Xukumadda ku soo biiraan
dhaliinyaro.
Dhanka Xisbiyada, Xukumadda Madaxweyne Deni ayaa bilowday qorshe ay
ku doonayso inay wadanka kaga saarto nidaamka wax qaybsiga beelaha ayna
ugu rarto nidaamka Xisbiyada badan qorshahaas oo ah mid mid in badan
dadka reer Puntland rajo ka qabeen in qof walba codkiisa dhiibto.
Amniga, waxa uu kulamo la qaatay laamaha amniga Dowladda isaga oo ku
xooga-saaray in lala dagaalamo cid walba oo amniga khatar ku ah,
musuq-maasuqa ciidamada ( Caagleyaal), dib u habeenta Wasaaradaha
dowladda, isaga oo wakhti kooban gudihiisa Joojiyay daabacadii lacagaha
Shillin Soomaaliga, Canshuur dhaafka, dhismaha dhulka dowladda iyo
weliba magacyadda been abuurka ah ee lagu qaato lacagaha.
Mashruuca Wadada Garowe-Gaalkacyo
213 maalmood ka dib fadeexadii Mashruuca Wadada Garowe-Gaalkacyo oo
si rasmi ah qoraal ka soo baxay Dowladda Germany lagu joojiyey September
6, 2018 ayaa dadaal badan oo uu sameeyay Madaxweyne Siciid Deni April
7, 2019 ku guuleystay in dib loo bilaabo ka dib markii uu Garoowe kula
kulmay safiirka Germany ee Soomaaliya Ambassador Annet Gunther iyo wefdi
balaaran oo ka socday dalkaas.
Inta uu Xafiiska joogay Madaxweynaha ayaa qaabiley Safiiradda
Mareykanka, Germany, Imraadka, Sweden, Uk, Qatar, Suudaan, Masar,
Boqortooyadda Sacuudiga, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Qunsulka
Itoobiya ee Puntland, Madaxa mashruuca CIP ee World Bank, qeybaha kala
duwan ee Hay’addaha caalamiga ah iyo madaxa Hay’adda Interpeace.
Xukumadda Deni ayaa qabtay Barnaamijkii ugu weyna oo looga hadlay
arimaha Jihaynta Siyaasadda Xukumadda, Dhagax dhiga Xarunta Kaydka
xogaha Degaanka & Biyaha, Mashruuca lagu dhisayo 4 waddo oo laami ah
oo laga hirgelinayo Garoowe iyo Daah-furka Wejiga saddexaad ee
Mashruuca " Waxbarshadu waa Iftiin” oo ku baxayso.
Qorshaha dhismaha Garoomada Kubadda cagta Qardho iyo Bosaso, Xeradda
ciidamada ee Xorgoble,dhagax dhigay Wejiga 1aad ee caratuurka wadada
Ceel-daahir – Ceerigaabo iyo dhagax-dhigay wejiga 2aad ee laami saaridda
waddada, Mashruuca Xalka-waara oo guryo loogu dhisi doono
barakacayaasha Gobolka Bari isaga oo sidoo kalena, April 6, 2019
dhagax-dhigay Garoonka kubadda cagta ee Bosaso.
April 10,2019: Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Wasaaradda ganacsiga
Imraadka, Rugta ganacsiga ee Abu-dubia iyo ganacsato kale isaga oo
April 15, 2019 shir la yeeshay Maamulaha shirkadda DP-World Sultan Axmed
Bin Suleymaan iyagga oo isla gartay balaarinta Dekadda Bosaso iyo
Madaxda Shirkadda Fly Dubia oo soo dhaweyay qorshe duulimaad ay ku
imanayaan Puntland, Dhanka kalena, April 15, 2019: Jaaliyadda Puntland
ee dalka Imaaradka ayaa xaflad ay iska wareysanayeen arimaha dalka ugu
qabtay halkaas.
Doorashadii Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa
saldhig u ahaa 8 YOOL 66 BALLANQAAD kuwaas oo u baahan in fursad loo
siiyo si uu u hirgeliyo, marka la eego 100 maalmood oo uu xafiiska
joogay waxa uu qabtay arimo muhiim u ah horumarka Puntland.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...