'' Pakistan Vs Suadi Arebia , Aduunyadda Isbadal Baa Ka Socda ''.

0
Thursday August 13, 2020 - 08:45:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Pakistan Vs Suadi Arebia , Aduunyadda Isbadal Baa Ka Socda ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Hindiya waxay ku dhawaaqday in ay qaadanayso qaybo ka mida gobolka Kashmir ee laggu muransan yahay oo u dhaw xuduudka Pakistan iyo Hindiya , sidoo kale waxay laashay xeerarkii xuquuqda dheeraadka ah siinayay dadka reer Kaashmiir , waxaanay si toosa gobolka kashmiir ula midaysay Hindiya inteeda kale .

 

Pakistan arrintaa aad bay uga xanaaqday waxaanay taageero ka dalbatay ururka midowga Islaamka ( OIC) hassa yeeshee ururkaas oo uu madax ka yahay Sucuudigu wuu diiday in uu pakistan is barbar taaggo .

 

Pakistan iyadoo qadiyadda Kaashmiir taageero u raadinasa waxay shir u qabatay ururka ay ku bahoobeen wadamada koonfurta Eeshiya ee loo yaqaano Asian , kulankii ururkaasna wasiirka arrimaha debedda ee Pakistan Jawaz maxamuud khuraysh , ayaa si xoogle u cambaareeeyey sucuudiga iyo wadamada khaliijka , waxaanu sheegay in wadan waliba leeyahay xasaasiyad lama taabtaana , kashmiira ay tahay lama taabtaanta pakistan sidaa darteed hadii ururka OIC uu warcad kasoo saari waayo qadiyadda kaashmiir in ay pakistan isugu yeedhi doonto wadamada Islaamka oo ay shir ugu qaban doonto Islamabad .

 

Sucuudigga iyo wadamada ay olaga yihiin hadalkaa wasiirka kama jawaabin , waxaanay u arkaan qadiyadda Kaashmiir arrin daakhiliya oo u taala Hindiya , xidhiidhka Hindiya iyo wadamada khaliijka baryahan dambe ka dhaxeeya awgeed .

 

Dhinaca kale Madaxwaynaha wadanka Turkiga Rajib Dayib Ordagan ayaa ka degey bishii 2aad ee sanadkan Pakistan waxaanu si cad isugu barbartaagay paakistan qadiyadda kaashmiir , sidoo kale Turkiga iyo Maleeshiya ayaa ah wadamada ugu waawayn ee dhinaca dhaqaalaha ka taageera pakistan .

 

Sucuudiga oo u arkay Pakistan in ay u wareegtay dhinaca Turkiga kana xumaaday xidhiidhka sii xoogaysanaya ee Pakistan iyo Turkiga ayaa ku dhawaaqay wiigan in uu joojiyay Saliid caawimo ah oo uu siin lahaa wadanka pakistan oo dhamayd 3 Bilyan , sidoo kale wuxuu dalbaday in pakistan degdeg usoo celiso lacag dhan hal bilyan oo dayn ah oo qayb ka ahayd 3 bilyan oo sucuudigu amaahin lahaa pakistan , lacagtaas oo dhamayd 3 bilyan oo uu saxeexay dhaxal sugaha Aabihii , hasa yeeshee dhaxal suguhu imika masaxay .

 

Si kastaba ha ahaatee , pakistan waxay iyaduna is barbar taagtay hawl-galada dhinaca ciidamadda ee wadanka turkigu ka wado badda dhexe , waxaanay sii xoojisay xidhiidhka Ankara , halka wadadamadda Sucuudiga iyo Imaaraadkuna u xamaan uruursadeen dhinaca Hindiya .

 

Waxa kale oo jirta in wadamadda Pakistan , Iran , Turki , China iyo Maleeshiya yihiin xulifo sii xoogaysanaysa , halka wadamadda Hindiya , Sucuudiga , Isreal , iyo Maraykankuna yihiin xulifo kale , Aduunyadda isbadal baa ka socda .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...