Nacaalla Dulmiga kuyaal.

0
Thursday August 13, 2020 - 08:37:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacaalla Dulmiga kuyaal.

    By Sacad Cali kaahin Balaaki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Sacad Cali kaahin Balaaki

Saaka salaadii subax kadib waxaan daawaday hadal muuqaal ah uu ciyaartoy Siciid Maxamuud Wisti meel madal ah ka jeedayay, walaahi indhayga ilmo ayaa iskusoo taagtay inay iga timina mu hubo laakiin arinta uu ninkaasi ka sheegay waxay ahayd arin uu qof kasta oo inuun damiirkiisu noolayahay uu ka damqanaayo,

 

Runtii qisada micnaha wayn lahayd ee hadalkiisa ku dhex jirtay waxay ahayd inay bahalihii habar dugaag adhigiisii oo aan ood fiican lahyn ay habeenkii koobaad intay u yimaadeen ay ka noqdeen habeenkii labaadna sidii oo kale uga noqdeen habeenkii sadexaadn ay ka noqdeen dibna aanay ugusoo noqonin dulmanaha buurta dusheeda cadaalad daradu saartay habar dugaag way ka xishoodeen laakiin dadkiisii kamay xishoonin ninkaa magaca iyo miisaanka ku dhex lahaa,

 

Qisooyinka Dulmiga ku saabasan ee ninkan soomaray ilaa heer mushahar ilaa hantidiisii iyo weliba xadhiga xaq darada ah ee lagula Kacay siduu sheegay kuma noqonaayo oo waxaan filayaa inay dadka reer somaliland sifiican uga bogteen intooda badani inta kale ay daalacan doonto oo uu muuqaalka Siciid Iyo hadalkiisuba soo gaadhi doono laakiin waxaan soo jeedin lahaa in ninkaa ubadkiisii iyo reerkii looga soo raro buurtii oo ay xukumadda talada haysaana shaqo siiso oo ay uga faaiidayso da,ayarta si uu wax baro isaguna uu nolosha qoyskiisa ugu debero ubudkiisana wax ugu baro,

 

Qof kasta oo ay fariintaydani soo gaadho waxaan ka codsanyaa inuu faafiyo waayo waslad dahab ah ayay shalaw iyo buuro ka tuurtay oo Siciid Westi ah markaad eegto wanaaga iyo dadnimada ninkaa ka muuqata waxaad garanaysaa qofkuu yahay anigu weligay ma arag magaciisan maan maqal ayaamo dhawayd ka hor balse wuxuu sheegay ee soomaray iyo qaabka uu inoogu soo gudbiyay ayaan ku aqoonsaday, waxaan kusoo koobayaa haday xitaa xukumaddu ka qayb qaadan waydo soo guryo celinta Siciid waa Inaynu inagu bulsho ahaan u kacnaa oo aynu wasladaa dahabka aynu kasoo saaraa godka buurta

 

By Sacad Cali kaahin Balaaki

Allah Mahad Leh


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...