Kornayl Caarre Oo Sheegay Inuu Shacabka Somaliland Ka Sugayo Inay U Gudaan Abaal Uu Ku Leeyahay

0
Wednesday August 12, 2020 - 17:05:47 in News by
  • Visits: 1845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Caarre Oo Sheegay Inuu Shacabka Somaliland Ka Sugayo Inay U Gudaan Abaal Uu Ku Leeyahay

    Kornayl Caarre Oo Sheegay Inuu Shacabka Somaliland Ka Sugayo Inay U Gudaan Abaal Uu Ku Leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kornayl Caarre Oo Sheegay Inuu Shacabka Somaliland Ka Sugayo Inay U Gudaan Abaal Uu Ku Leeyahay


Hargeysa(HWN):-Taliyihii jabhada Dulmidiid oo wakhtiyadii ugu dambeeyey ku sugnaa wadanka Turkiga ka dib markii uu dalka kaga baxay heshiis ay xukuumadu la gaadhay beeshiisa ayaa ku dhawaaqay inuu ka mid yahay musharaxiinta u tartamaya golaha wakiilada somaliland.

s


Kornayl Caarre oo wadanka ka maqan tan iyo wakhtigii ay xukuumadu heshiiska la gaadhay isla markaana jabhadiisii qaramaysay ayaa hada ku doodaya inuu abaal weyn ku leeyahay dalka isla markaana uu doonayo in shacabku ay u doortaan ka mid noqoshada xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ee ku soo bixi doona doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.


Kornayl Caarre oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dooday inaanu shaki kaga jirin cod uu ku soo bixi karo oo ay siiyaan shacabka somaliland isaga oo carabka ku adkeeyey inuu haatan diyaar u yahay inuu dalka u shaqeeyo.


Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa qorshaysnaa in ay sannadkan ka qabsoomaan dalka sida ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranku balse waxa wali ku gedaaman cabaqabado la filayo in ay dib u dhigaan qabsoomidda doorashooyinka oo ay sannadka dambe ugu dhacaan iyada oo la filayo in maalmaha soo socda Komishanka Doorashooyinku ay soo saaraan jadwalka ay ku muddaynayaan wakhtiga ugu macquulasan ee ay doorashooyinka ku qaban karaan.

Loading...
Loading...