Madaxweyne Farmaajo Oo Wali Raadinaya Raysal Wasaare Cusub Iyo Beelaha Muqdisho Oo Uu Diirada Ku Hayo

0
Wednesday August 12, 2020 - 16:57:29 in News by
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Wali Raadinaya Raysal Wasaare Cusub Iyo Beelaha Muqdisho Oo Uu Diirada Ku Hayo

    Madaxweyne Farmaajo Oo Wali Raadinaya Raysal Wasaare Cusub Iyo Beelaha Muqdisho Oo Uu Diirada Ku Hayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Wali Raadinaya Raysal Wasaare Cusub Iyo Beelaha Muqdisho Oo Uu Diirada Ku Hayo


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wali laga sugayaa in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaarihii badali lahaa Xasan Cali Kheyre oo qaab uu muran ku jiray xilka looga tuuray.

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay Xiriirka Dowlada iyo Hayadaha Maaliyada ee Adduunka. - Horseed Media • Somali News


Farmaajo ayaa wali wada wadatashiyo ku aadan magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub la leh la taliyaashiisa gaarka ah, waxaana miiska u saaran dhoor nin oo la filayo in midkood kasoo xusho.


Xilka Ra’isul Wasaaraha mudada yar xilka heyn doono waxaa ku tartamaya siyaasiyiin badankood ay kasoo jeedaan beelaha Habar Gidir iyo Abgaal, waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin kale oo iyana kasoo jeeda beelo kale oo Hawiye ah.


Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu hada ku jahwareersan yahay beesha uu kasoo xulan lahaa Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabayo, waxaana la sheegay in uu ka fekerayo Habar Gidir iyo Abgaal mida uu xilkaasi ku kasban karo.


Musharaxiinta miiska saaran ayaana u badan labadan beel ee Abgaal iyo Habar Gidir, waxa uuna Madaxweynaha si weyn u doonayaa in uu helo kalsoonida beesha uu siiyo xilka Ra’isul Wasaaraha si garab ugu noqdaan dowladiisa.


Farmaajo ayaa horey ugu adkaatay in xilka Ra’isul Wasaaaha Soomaaliya ugu qanciyo in ay qabtaan siyaasiyiin miisan leh oo kasoo jeeda beelaha Abgaal iyo Habar Gidir, kuwaa oo ka cudur daartay in bilooyin yar hamigooda siyaasadeed u lumiyaan.


Magacaabista Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wali si weyn loo sugayaa, waxaana soo baxaya shaki ku aadan in Madaxweyne Farmaajo wato qorshayaal sabab u ah dib u dhigista magacaabista Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Loading...
Loading...