Kornayl Caare Oo Shaaciyay Inuu Utartamayo Golaha Wakiilada Somaliland

0
Wednesday August 12, 2020 - 11:28:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Caare Oo Shaaciyay Inuu Utartamayo Golaha Wakiilada Somaliland

    "Kornayl Siciid Cawil Caarre oo waddanka Turkiga ku sugan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kornayl Siciid Cawil Caarre oo waddanka Turkiga ku sugan"

Muqdisho (HWN)- Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada qaranka Somaliland ka hor intii aanu Jabhad xukuumadda Muuse Biixi liddi ku ah kaga dhawaaqin Gobolka Sanaag wakhtiyadii ugu dambeeyeyna ku sugnaa waddanka Turkiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu u taagan yahay Musharaxnimada Golaha Wakiillada Somaliland.



Kornayl Siciid Cawil Caarre oo waddanka Turkiga ku sugnaa tan iyo markii heshiis is af garad ah lagu dhammeeyey qaddiyaddii uu taagnaa jabhaddiisiina xukuumaddu qaramaysay ayaa waxa uu waddanka Turkiga kaga dhawaaqay in uu isu soo taagayo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee ka filayo in ay sannadka dambe dalka ka qabsoonto isaga oo sheegay in uu dalka iyo dadka abaal weyn ku leeyahay sidaa darteed aanu shaki kaga jirin in ay doortaan si uu dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu qabto.


Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa qorshaysnaa in ay sannadkan ka qabsoomaan dalka sida ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranku balse waxa wali ku gedaaman cabaqabado la filayo in ay dib u dhigaan qabsoomidda doorashooyinka oo ay sannadka dambe ugu dhacaan iyada oo la filayo in maalmaha soo socda Komishanka Doorashooyinku ay soo saaraan jadwalka ay ku muddaynayaan wakhtiga ugu macquulasan ee ay doorashooyinka ku qaban karaan.

Loading...
Loading...