Caluushiisa La Ciyaar, Rag Ciil Kama Korow Daran, Dumarkana Cirteedbogad, Casar Seexatow Daran
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-DOORASHADII CARQALADIYO,CUNUFYADA ABUURTEE,
CUDUR AAN BOGSOONIYO,CIIRCIIRKAYNA GELISEEN,
CAALAMKUNA AMAANEEN,CUQDADA IYO XUMAANIYO,
CIIBAHII KA SOO BAXAY,WELINA AY CAKIRAN YAHIIN.
2-NINKII LOO CUMAAMADAY,CIDNABA HOOS UMU DEYIN,
COLAADAHAY ABUURTIYO,CADHADII DADWEYNAHA,
CIIN DAAQDAY QARANIMO,KALA CARARAY SHACBKI,
CEEL BIYOOD KOLAY TAHAY,AANAY CIDI WADAAGAYN.
3-CALUUSHIISA LA CIYAAR,RAG CIIL KAMA KOROW DARAN,
DUMARKANA CIRTEED BOGAD,CASAR SEEXATOW DARAN,
CEERIGAABO BADANKEED IYO,CIIDAMADII MA GOOSTEEN,
MIYAAD CAARE HAYSAAN,XAGGUU CALI QALIIF TEGEY.
4-CANAANTII KALGACAL LEHI,CULAY BAY NAFTA U TAHAY,
CAANO HADDII AY DAATAAN,INUUNBAA LA CELIYAA,
CEEBAAD KA DHAXASHA,CADHADA KULA FOGAATEE,
CAQLA LAGU SHAQEEYA,CUGASHADA HA LOO KACO.
5- CIRRO IYO WADANIYOW,CIRKAY QABATAY NABADIYE,
CEEBTA IYO AMAANTIYO,CIIDABA WAAN WADAAGNA,
SULDAANKII CUNAAYIYO,CULIMADA BADHKOODIYO,
BOQORO AAN CABSONAYN,CAALMADOW HA LOO DIRO.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!