Qaxoontiga Yemen ee Hargeysa oo dibad-bax ka hordhigay Xafiiska Hay'adda UNHCR

0
Wednesday August 12, 2020 - 10:53:18 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxoontiga Yemen ee Hargeysa oo dibad-bax ka hordhigay Xafiiska Hay'adda UNHCR

    Qaxootiga Yemeniyiinta ee Hargeysa oo dibad-bax ka hordhigay xafiiska Hay'adda UNHCR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxootiga Yemeniyiinta ee Hargeysa oo dibad-bax ka hordhigay xafiiska Hay'adda UNHCR

Hargeisa(HWN):-Qaxootiga Yemeniyiinta ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa maanta banaanbax cabasho ah la hortagay xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Akhriso: Tirada Rasmiha ah Ee Barakacayaasha ama Qaxootiga ah ee ...


Qaxootigan ayaa waxa ay ka cabanayeen Lacag ay Hay’addani Caruurtooda kaga bixin jirtay Waxbarashada. Waxa ay sheegeen in Caruurtooda lagu Amray inay dhigtaan Dugsiyada dowladda oo af-soomaali lagu dhigto, taasi oo ay sheegeen in caqabad ku tahay waxbarashada caruurtooda maadaama ay hore wax ugu baran-jireen luuqadda Carabiga, iyagoona codsaday in loo ogolaado in caruurtoodu wax ku bartaan Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

"Waxaannu nahay Qaxoonti Yamaniyiin ah, waxaannu u baahannahay Xuquuqdayadda, waxyaabaha ugu muhiimsan Xuquuqdayadda waxa ka mid ah in Caruurtayaddu ay hesho Waxbarasho, waxaannu u baahannahay in Dugsiyadda gaarka loo leeyahay ay Caruurtayaddu noo dhigtaan, waayo ma fahmaan Luuqadda Af-Soomaaliga ee lagu dhigto Dugsiyadda dawladda". Sidaa waxa tidhi Hooyo ka mid ah Hooyooyinka Yamaniyiinta ah oo bannaan-bax ay xuquuqdoodda ku dal-banayaan isugu soo baxay magaalada Hargeisa ee Xarunta Caasimadda Somaliland.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa ka hadley waxaa ay ka hay’add ahaan kala socdaan cabashada ay qabaan qaxootigan Yemeniyiinta ah.

"Arrintan warkeedda waannu haynaa, waanna Cabasho markii aannu eegnay aannu ka garownay annagu. Qaxoontigan dalkeedda joogga ee Yamaniyiinta ah, ee Siirriyaanka ah waa dad ku hadla luuqadda Carabiga, markaa waxkasta oo suurto-gal ah in loo qabto waa muhiim. Waxa Masuuliyadda Waxbarashaddooda, Caafimaadkoodda iyo adeegyaddooda kaleba ka masuul ah Hay'adda UNHCR, markaa waxaan la tashadday Masuuliyiinta Xafiiskayga waxaanan isla garanay inaan Warqad u qorno Hay'adda UNHCR oo aannu kaga dalbanayno ama ku war gelinayno inay lagama maarmaan tahay in Caruurtan afka Soomaaliga la barro muddo Sanad ah" Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdikariim Xinnif.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...