Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Amray In Lasoo Xiro Guddoomiye Maxkmad Degmo Oo Diiday Xilka Qaadis

0
Wednesday August 12, 2020 - 09:35:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Amray In Lasoo Xiro Guddoomiye Maxkmad Degmo Oo Diiday Xilka Qaadis

    Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka




Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Axmed Cabdi Cali (Aabi) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed.

 

Guddoomiye Axmed Cabdi Cali ayaa sababta uu ku diiday xilka qaadista ku sheegay inay tahay in Guddoomiye Baashe uusan xilka qaadis karin, maadaama uu ku magacaaban yahay xee Madaxweyne.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka uu qoray warqabad lagu soo xirayo Guddoomiye Aabi, waxaana la tilmaamay in warqadaas la gaarsiiyay Aabi.

 

Dood dhinaca sharciga ah oo ka dhashay xilka qaadis lagu sameeyay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay jiray.

 

Si kastaba lama oga sababta keentay inuu Khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galo dhex-galo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed iyo Guddoomiye Axmed Cabdi Cali (Aabi), isla markaana keentay xilka qaadista la sameeyay.


Loading...
Loading...