Wasiirada Maaliyadda Dowlada Soomaaliya Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Kulmay Sawiro

0
Wednesday August 12, 2020 - 09:29:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Maaliyadda Dowlada Soomaaliya Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Kulmay Sawiro

    Shirkaan ayaa diirada lagu saaray nidaamka maamulka iyo maaliyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray nidaamka maamulka iyo maaliyadda


Image may contain: 7 people, people sitting, table and indoor, text that says



Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaha shirka wasaaraddaha maaliyadda dowladda dhexe,dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray nidaamka maamulka iyo maaliyadda dalka iyo sidii wadajir looga wadashaqeyn lahaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale xoojinta arrimaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

 

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa ku wehlinayay wasiiru-dowladda wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda,waxaana goob joog ka ahaa wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir Axmed Xasan iimaan.


Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor
Image may contain: 5 people, people sitting and indoor
Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting, text that says

Loading...
Loading...