Cali Geedi Iyo Guddoomiye Muudey Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay

0
Wednesday August 12, 2020 - 09:04:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Geedi Iyo Guddoomiye Muudey Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay

    Qoraal uu soo saaray Muudey ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu soo saaray Muudey ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka




Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Cabdiweli Ibraahim Sh Muudey ayaa xalay hoygiisa kulan kula qaatay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

 

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Muudey iyo Cali Geedi ayaa ku aadanaa salaam, is xogwareeysi la xiriira siyaasada Dalka iyo sidii loogu samatabixin lahaa xiligaan kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Qoraal uu soo saaray Muudey ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka uu kusoo gabagoobay si heer sara ah, isla markaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah.

 

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa u mahadceliyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.


Loading...
Loading...