Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka war bixiyey kulan uu la qaatay Qoor Qoor

0
Wednesday August 12, 2020 - 08:54:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka war bixiyey kulan uu la qaatay Qoor Qoor

    Sidoo kale C/Kariim Guuleed waxaa uu sheegay in Galmudug ay hadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale C/Kariim Guuleed waxaa uu sheegay in Galmudug ay hadda




Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo safar ku jooga dalka Turkiga ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay siyaasiyiin uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

 

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada siyaasaadeed ee dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay, iyada oo Madaxweynihii hore ee Galmudug uu Madaxweyne Qoor Qoor ku bogaadiyay howlaha uu ka wada degaannada Galmudug.

 

 

"Waxaan Magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wada-hadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro ayuu yiri” C/Kariim Guuleed.

 

Sidoo kale C/Kariim Guuleed waxaa uu sheegay in Galmudug ay hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, isla markaana isha lagu wada haayo shirka Dhuusamareeb Saddex.

 

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Galmudug & Madaxweyne Qoor Qoor waxaa ay isla soo qaadeen inuu shirka Dhuusamareeb xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda.

 



Loading...
Loading...