Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Fariimo U Kala Diray Xeer Ilaalinta Iyo Maxkamadaha

0
Thursday April 18, 2019 - 06:56:50 in News by
  • Visits: 3052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Fariimo U Kala Diray Xeer Ilaalinta Iyo Maxkamadaha

    Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo La Hadlay Xeer Ilaalinta Iyo Maxkamadaha Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo La Hadlay Xeer Ilaalinta Iyo Maxkamadaha Dalka


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay eedaymo ay xeer ilaalintu u soo jeedisay maxkamada.


Gudoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa sharaxay doorka ay kala leeyihiin xeer ilaalinta iyo maxkamadaha dalku.

Image result for aadan xaaji cali


Gudoomiyaha maxkamada sare oo ugu horayn sharaxaya hadalo ay warbaahinta isku mariyeen maxkamadaha iyo xeer ilaalintu ayaa waxa uu yidhi "Waxa muhiim ah in hay’adda garsoorka sida uu sheegayo dastuurka somaliland marka laga bilaabo qodobka 97 ilaa 106 waa qodobada ka hadlaya hay’adda garsoorka oo lagu yidhaa garsooreyaasha iyo xeer ilaalinta, waxaanan adkaynayaa oo aan digniin ka bixinayaa in warbaahinta lagu yooyootamo oo halkii xeerkii, nidaamkii iyo habkii sharciga laysku raaci lahaa balse warbaahinta fariimo laysku soo mariyo oo maalinba qof uu warbaahinta soo fadhiisto isaga oo soo jeedinayo dhaliil ama wax la mid ah, taasi sharciga way ka soo horjeedaa, waana sababta aan cadayntan u samaynayo,Wixii cabasho ah, xeerar iyo nidaam ayaa u dhaxeeya hay’addaha oo ay raacaan oo ay ku kala cawdaan oo racfaan ku qaataan, arintaasina maaha mid dawladnimada u fiican mana wanaagsana inay dib u dhacdo.”


Gudoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa soo bandhigay waxyaabo sharcigu ka reebayo dacwadaha socda waxaanu yidhi "Sharcigu ma banaynayo in dacwad baadhitaankeedu socdo ama dacwad garnaqii ku jirta in laga hadlo ma banaana, xeer ilaalinta, garsoorayaasha iyo qareenada midna uma banaana ilaa dacwadu dhamaanayso oo go’aan laga soo saarayo, dhibaatooyin ayaana ka soo baxa.”


Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa tafaasiil ka bixiyey dacwado baadhitaankoodu socday oo ay ka hadleen xeer ilaaliyaha guud iyo xeer ilaaliyaha gobolka Maroodijeex "Tusaale ahaan dacwadii wasaarada warfaafinta ee xeer ilaaliyuhu ka hadlay, iyada oo dacwadu baadhida ku jirta ayuu xeer ilaaliyuhu ka hadlay oo waxa uu sharaxay dad uu raadad gaday iyo cid la haysto dabadeedna si cad ayuu soo bandhigay waayo dacwad socota ayey ahayd oo maxkamad lama keenin kumanay dhawaaqin, dacwaduna may dhamaystirmin markii uu ka hadlayna waa la ogaaday, xataa waxa la sheegay dadka la haysto magacyadooda iyo meelaha ay gashay, xeer ilaaliyaha gobolkuna waxa uu sheegay in baadhidu aanay dhamaystirnayn oo dacwada dib loogu celiyey hanti dhawraha guud, dadkuna xuquuq ayey leeyihiin, ilaa ay maxkamadi ku dhawaaqaysana waa eedaysane, markaa sharcigu ma banaynayo waana mamnuuc in dacwad ku jirta baadhitaankii ama garnaqa in laga hadlo qofka xeer ilaaliyihina marka ugu horaysa isaga ayey tahay inuu xeerka ilaaliyo manay ahayn inay dacwado socdo ka hadlaan xeer ilaaliyaha guud ha ahaado ama kuwa kale-ba.”


Sidoo kale gudoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa sharaxay doorka ay kala leeyihiin maxkamadaha iyo xeer ilaalintu "Sida uu dhigayo qodobka 99 ee dastuurka somaliland garsoorku waa maxkamado iyo xeer ilaalin, shaqadoodana way u kala madax banaan yihiin, shaqadana way kale leeyihiin, haddii qolo shaqada gaadho oo tusaale ahaan maxkamaduhu waa meesha garta qaada ee cadaalada loo soo doonanayo, xeer ilaalintuna waa hay’adda dambiga soo oogta, markaa haddii cidi ka cabanayso go’aan maxkamadi soo saartay maxkamada taas ka saraysa ayaa loo cabanayaa ama racfaan loo qaadanayaa laakiin wado kalana la mari maayo, maxkamaduhuna maalin walba go’aano ayey gaadhaan oo dad la soo eedeeyey oo boolisku qabtay ayey xoriyadooda u soo celiyaan.”


Ugu dambayn gudoomiye Aadan ayaa intaas raaciyey "Markaa maxkamadu waa halkii cadaalada loo soo doonayey gartana qaadaysay, xeer ilaaliyeyaashuna waa dembi oogayaal oo dembiyada ciqaabta ah ayey ku soo oogaan dadka raadku galo ee eedaysanayaasha ah, markaa iyaga shaqadoodu waa inay eedeeyeen qodobada sharaxaan, asbaabtana sameeyaan, cadaymahana soo bandhigaan go’aankana maxkamada u dhaafaan markaa midina ma qaadan karo shaqada midkan kale.” ayuu yidhi gudoomiye Aadan oo u waramay Saabtv.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...