Joe Biden Oo Madaxweyne ku-xigeen U Xushay KAMALA HARRIS

0
Wednesday August 12, 2020 - 06:24:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joe Biden Oo Madaxweyne ku-xigeen U Xushay KAMALA HARRIS

    Hargeisa(HWN):-Murashaxa Xisbigaa Dimuqraadiga ee Doorashadda Madaxtinnimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Murashaxa Xisbigaa Dimuqraadiga ee Doorashadda Madaxtinnimada

Hargeisa(HWN):-Murashaxa Xisbigaa Dimuqraadiga ee Doorashadda Madaxtinnimada Maraykanka Joe Biden, ayaa senator Kamala Harris Xalay u xushay xilka madaxweyne ku xigeenka haddii uu doorashada November ku guuleysto.


Joe Biden bishii March ee sannadkaan ayuu u ballan-qaaday, in mid ka mid ah lix dumar ah uu middood u xulan doono Madaxweye ku-xigeen, laakiin dad badan ma fileyn in ay noqon doonto Kamala Harris.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ayuu Musharraxa Xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada Madaxtinimada Mareykanka ee Bisha Novmeber, Joe Biden uga dhawaaqay, in senetaradda laga soo doorto gobolka California, Kamala Harris uu u xushay in ay noqoto madaxweyne ku xigeenka Mareykanka haddii uu doorashada ku guuleysto.
Biden iyo Harris

Biden ayaa yiri. ‘‘Sharaf weyn ayay ii tahay inaan ku dhawaaqo in aan soo xushay Kamala Harris oo ah dagaalyahanad aanan gabban, waana mid ka mid ah dadka ugu wanaagsan ee waddanka u soo shaqeeyay’’. Wuxuu intaasi raaciyay ‘‘aniga iyo adiga si wada jir ah ayaan uga badineynaa Donald Trump.

Harris ayaa iyaduna qoraal ay ku daabacday barteeda Twitter ku sheegtay in ay sharaf u tahay in Joe Biden ay kula biirto Musharaxnimada Xisbiga ee doorashada soo socota. Biden ayay ku tilmaantay qof mideyn kara dadka Mareykanka, maadaama bay tiri uu noloshiisa oo dhan u soo huray dadka Mareykanka.

Ololaha Madaxweyne Donald Trump ayaa markiiba jawaab kulul ka bixiyay xulashada uu Joe Biden Madaxweyne ku xigeenkiisa u soo xushay Kamala Harris.

Lataliyaha sare ee dhanka doorashada ee Madaxweyne Trump, Katrina Pierson ayaa qoraal ay soo saartay ku sifeeyay Harris, in ay tahay xagjir ku talax-tagtay afkaaraha bidixda fog ee Xisbiga Dimoqraadiga.

KAMALA HARRIS WAA QOF CEYNKEE?

Kamala Harris waa 55 jir ka soo jeedda gobolka California. Waxaa iska dhalay Aabbo asal ahaan ka soo jeeda dalka Jamaica iyo Hooyo Hindi ah. Ka hor inta aysan noqon qofkii labaad ee ka soo jeeda bulshada Madow ee Mareykanka ee abid Xubin ka noqda Aqalka Senetka Mareykanka sanadki 2016-ki, waxay soo noqotay Xeer İlaaliyaha Guud ee Gobolka California.

Sannadki 2019-ki waxay ka mid aheyd musharaxiintii ka qeybgalay doorashadi isreeb reebka ee qofka uu Xisbiga Dimqraadiga u soo xulan lahaa Musharaxnimada xilka Madaxweynaha.

Bilowgii hore ayay ku hadhay, hase-yeeshee waxay Indhaha dadka Mareykanka qabteen markii ay si aad ah ula dooday Joe Biden intii lagu guda jiray doodihii is reeb reebka.

Si kastaba ha ahaatee, Kamala Harris ayaa hadda gashay taariikhda Mareykanka, kaddib markii ay noqotay Haweeneydii ugu horreysay oo Madow ah oo loo soo sharraxo Xilka Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa in iyada iyo Joe Biden ay si wada jir ah uga hadlaan Munaasabad ka dhici doonta magaalada uu Joe Biden ka soo jeedo ee Wilmington ee gobolka Delaware.

Xigasho VOA-Soomaali

Loading...
Loading...