Guddiga Doorashooyinka iyo Wakiillada Somaliland Maxay ka Wada-hadleen?

0
Tuesday August 11, 2020 - 21:50:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka iyo Wakiillada Somaliland Maxay ka Wada-hadleen?

    Guddiga Doorashooyinka iyo Golaha Wakiillada Somaliland Maxay ka Wadahadleen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashooyinka iyo Golaha Wakiillada Somaliland Maxay ka Wadahadleen?

Hargeisa(HWN):-Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta hortagay guddida arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaaca ee golaha Wakiillada.


Kulankaas oo ay Warbaahintu dibad-joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhammaaday waxa Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha guddidaas iyo Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka.
Guddida cusub ee Doorashada oo la kulmay Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha guddi-hoosaadka arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge (Cabdillaahi Ballaaki) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka la yeesheen xog-waraysi ku saabsan arrimaha doorashooyinka, shuruucda doorashooyinka iyo sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashadu wakhtigeedii, isla markaana dhinacyada ay khusaysaa u fududeyn lahaayeen waxyaabaha ku xidhan, wuxuuna sheegay in ay isla qateen waxyaabo badan oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka caqabadaha hortaagana laga qaado si doorashadu dalka uga qabsoonto.

"Waxaannu xog-waran ka yeelannay arrimaha Doorashooyinka, Shuruucda doorashooyinka iyo sidii doorashadu dalka uga dhici lahayd wakhtigeeddii, in dhinac walba wixii ku xidhan la fudaydiyo si loo dedejiyo hawlaha Doorashooyinka, taas baannu ka wada-hadalnay Guddiga doorashooyinka, runtiina waxaannu isku af-garanay arrimo badan oo in la dedejiyo ay tahay si Doorashaddu xilligeeddii ugu dhacdo" Ayuu yidhi Xildhibaan Ballaaki.

Geesta kale, waxa isna markii kulankaasi soo dhamaaday halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac) oo u mahadceliyey guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha wakiillada, isaga oo sheegay in ay ugu muhiimsanayd waxyaabihii ay guddidaas ka wada hadleen sidii loo dedajin lahaa qabsoomida doorashooyinka golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka, wuxuuna guddoomiyuhu intaas ku daray in ay ka wada hadleen xeerka doorashooyinka ee horyaala golaha Wakiillada sidii goluhu waajibkiisa uga gudan lahaa.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...