Boon Xirsi Waxa uu Ka Muwaadinsanaa Madaxwayne Biixi 20 Sanno Ka Hor Kaaf iyo Kala Dheeri.

0
Tuesday August 11, 2020 - 20:17:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Boon Xirsi Waxa uu Ka Muwaadinsanaa Madaxwayne Biixi 20 Sanno Ka Hor Kaaf iyo Kala Dheeri.

    Qore: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed

Xuseen Xirsi Caddib (Boon Xirsi) waxa uu ahaa jilaa ama ka qosliye caan ka noqday gayiga Soomalidu ku nooshahay oo dhan. Waxa uu ka tirsanaa Hobolladii Waaberi oo ahayd koox heer keeda aan hore iyo danbaysoba loo arag lahaydna abwaaniin, Jilayaal,ka qosliyayaal, muusig tumayaal iyo inta bisha ee ay kooxi leedahyb Kuwaas oo dadwaynaha ku madaddaalin jiray riwaayado, heeso, geeraaro iyo inta fanka soomaaliyeed ba gun dhigga u ah. Intoodii badnayd maanta ay hoydeen ee alle ayaynu uga baryaynaa inuu ugu deeqo naxariistiisa balaadhan.



Xuseen Xirsi oo loo garan og yahay Boon Xirsi (Bowdo Gaab) kooxdaasi Waaberi ayuu ka tirsanaa, gaar ahaan qaybtii Hargeysa isagoo dhanka kalena ahaa Mu`alif tiriya Heesaha. Kuwiisa caan ka baxay ee lagu ladhay riwaayadaha waxa ka mid ahaa heestii Waah Waah waxaasaa jacayl ah oo RuwaayaddiiNinba Timo Xamar ka mid ahayd. Heesaha kale ee caan noqday waxaa ka mid ahaa tii Tawriga ahayd ee Tabcuunbay ku marayaan Widh widh Marka ayse noqoto jilitaan waxa uu ahaa ragga aan lagaga daba dhufan.


Haddaba waxaa dhacday in sannadkii 2000 oo ahayd xilligii uu kaligii taliyaha Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle abaabulayay shir ku sheeggii Carta oo aanay dad badani aanay ogayn uu fikirka qabashada shir lagu heshiisiinayo Soomaaliya 2000 uu lahaa Madaxweyne Cigaal oo rabay in shirkana lagu qabto Somaliland. Waxay ahayd fikir toolmoon oo lagu heshiisiinayo Somaliya oo xilligaa u kala fadhiyay 20 jabhadood in ka badan Somalilandna waxa ay u noqon lahayd haddii Hargaysa shirkaa lagu qaban lahaa uu fikirkiisa xaday kaligii taliye Geelleha Jibuuti magac iyo maamuus aynu adduunka kula gorgortanno una tusno inaynaan qayb ka ahayn kuwan la rabo in la heshiisiinayo Nasiib darro waxa uu u la tagay Madaxwayne Cigaal ula tagay fikirkii Ismaaciil Cumar Geelle oo uu u haystay in ay Soomalinimadu ka dhabtahay, sidaas ayuu kula wareegay fikfirkii oo isagu ku hantiyay dheeftii. Hadday tahay magac iyo sharaf iyo haday noqoto adduunba kuna noqday ilaa maanta oo la jooggo 2020 inuu Filinkaasi u shaqeeyo kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle uu Adduunka ka dhaadhiciyo Somaliland iyo Somaliya Ayaan heshiisiinayaa.


Wax uu beentaa ku qadhaabtaba waxa jabuutii 2000kii soo maray saddex fannaan oo kala ah Kinsi Xaaji Aadan, Maxamed Cige (Busi) iyo Boon Xirsi (Bowdo Gaab) oo ka soo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Qatar. Ujeedada ay jabuuti u soo mareenna waxu ahaa in ay uga sii gudbaan dhanka iyo Somaaliland oo ahayd halka ay u socdeen oo dhalsho ahaanna ay u dhalasho ahaan ka soo jeedeen.


Waxa ay halkaa kula kulmeen alooskii iyo abaabulkii Ismaaciil oo isku soo ururiyay hoboladii hore ee soomaliyeed wax allaale wixii uu heli karayay ha noqdeen Hoboladii Waabari ama kooxiihii kaleba ee Soomaaliyaddii hore ka hadhay Waxa uu doonayay in ay shirkaas ka dhigaan wacdaro la yaab leh oo soo jiita inta danaynaysa Soomaaliyada burburtay ee taag iyo tamar darro ay ku kaliftay in ay daba fadhiistaan oo u hormood u noqdo Ismaaciil Cumar geelle. Xukuumada Jabuuti ayaa waydiisatay inay saddexdaa fanaan ee aynu soo xusnay ku biiraan kuwii hore lagu soo ururiyay jabuuti ee sawaxanka iyo buuqa isku darayay iyagoo qaadayay heeso ay ka mid ahayd Soomaliyeey toosoo isku tiirsada oo ay reer Somaliland ka bililiqaysteen


Boon Xirsi ragganimadiisa ayaa sida cadceeda u soo baxday kadib markii Xukuumadda Jibuuti waydiisatay inuu ka mid noqdo isaga iyo labaddii fannaan ee kale ee la socday ee kala ahaa Kinsi Xaaji Aadan iyo Maxamed Maxamuud Cige (Busi) dhamaantood Alle ha u naxariisto e ku gacan saydhay codsigii ay soo gudbisay xukuumada jabuuti. Waxa uu sidad dhayda ka caddeeya in aanu qadar lacag ah oo loo fidiyo dhaafsanayn qaranimada dalkiisa hooyo ee Somaliland iyadoo qadarkaa lacagta ahna uu ku tilmaamay mid Dhagaraysan oo waatii murtiyi tidhi "Gobanimo gaajo leh ayaan ka doorbiday gumaysi dhereg leh” waxaana ay gaadhi ku soo mareen dhanka xeebta isaga iyo saaxiib kii busi ilaa ay ka soo gaadheen magaalada Hargaysa e caasimada Somaliland sidaana uu ku xanbaartay muwaadin dalkiisa jecel duruuf kasta oo ku haysatay tan iyo intii uu ka god galayay Allow Gob gobi dhasahy iga dheh.


Bal aan barbardhigno dhacdadaa hore ee Boon Xirsi iyo saaxiibkii Busi ku xardheen taariikhda 2000 ee alooskaa Carti socday haddana waa 2020 bishii Juun waxaana la aloosaayaa shir aan wax badan ka badalnayn kii Carta. Shirka waxa la yidhi waxa isku qaabilaya Somaliland iyo Somaliya oo aan lugo adag ku taagnay, wax badan kama badalna Soomaliyadii loo qabtay shirkii Carta. Halkii ay 2000 ka ahayd 20 jabhadood maantana waa in ka badan 5 Maamul goboleed walina kuma ay guulaysan inay dhistaan dawlad isku dhan. Talaabada tan ka horaysay waa in ay Somaliya dhexdeeda isa soo habayso, markaa kadib haddiiba ay wax kaga xidhan yihiin Somaliland ay ahayd inay isa soo hor fadhiistaan iyagoo kala ah Somaliland iyo Italian Somalia. Sidaana uu daacad ka yahay kaligii Taliye Ismaaciil Cumar Geelle.


Sidaase arinku uma dhignayn ee ninka asalkiisu yahay Jabaniiska ee ah USA Ambassador ka Somaliya ayaa doonaya in si qasab ah looga dhigo dalkan Somaliland qayb ka mida Soomaaliya laakiin waxa laga yidhi taasi waariyo la mid ah tii ay ku riyoodeen 33 kii Mudane ee Baarlamaanka ee Somaliland June 1960, oo ku riyooday iyagoo waxa loogu yeedho 5 Soomaaliyeed hal dal ka dhigay iyadoo aanay garanayn sida ay taasi suurta gal ugu tahay aakhirkiina aynu ka wada dharagsanahay waxa kala qabsaday Somaliland iyo Soomaaliya 60 Sanno. Yamamaoto iyo Abiy ahmed oo uu dabada ku wato ma oga dhibta ay ina dhaxalsiisay gobanimadii dalka Somaliland ee loo lumiyaya si loo helo soomaaliwayn iyo halka ay labaddii shacbi la martay iyo dhaxal xumadda ay ka tagtay oo loo maaro layahay 60 sanno. Kaligii taliyaha Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelle arinkiisu waa meel aan rabay roob ma igu eryay oo si indho la’aan ah uga dhigaya Somaliland inay tahay qayb Soomaaliyaddii Taliyaaniga ka soo hoos baxday waase riyo la mida taa 33 Mudane baarlamaan ee Somaliland 1960kii. Boon Xirsi iyo Busi oo ka badheedhay shirkaa Carta inay khiyaameeyaan qarankooda Somaliland kuwaasi oo ay ka aragti horeeyeen kana daacadsanaayeen Muuse Biixi iyo dhamaan kuwii u raacay shir ku sheegii Jaabuuti lagu qabtay June 2020.


Bal hadaba is barbar dhig Muuse oo sheeganaya inuu duurka u galay soo celintii gobonimada Somaliland ee luntay 1960 kii iyo Boon Xirsi oo isaga oo aan mansab iyo manfac midan ku qabin dalkiisa hadana u quudhi waayay inuu shilimaad ku gato gobonaimadiisa. Maxay tahay sababta ninkii la saaray hibadii dalka halkii ugu saraysay in uu si fudud uga tanaasulo doonistii shacabkiisa? Sababta ugu wayn ayaa ah in uu Muuse yahay shaqo tag, xoolo urursi ku jira, jabuutina waxa u taala khasnada xatooyada ee uu ku urursado xoolaha uu ummada Soomailand ka dhaco. Waxa kale oo la soo wariyay in ay guryo waawayn oo filloooyin ahi uga socdaan xeelliga badda cas ee jabuuti, haatan cimri ayuu ba joogaa ee waxa uu urursanayo xaguu gaynayaa tallow. Iyadoo hadiiba uu sii nooladona mudo gaaban aanay u noqonayn wax dhinca u gala aakhiro oo Iilka loogu barkiyo marka uu dhinto


Allow kala ragannimo badnaayeen oo kala daacadsanayeen Boon Xirsi iyo Muuse Biixi Cabdi ( Muuse ka horjoog). Waxaanu mar walba u ducayn doonaa Boor Xirsi oo aanu leenahay Alle ha kuu nuuro qabriga, aakhirana naxariis balaadhan ha ku siiyo waana mid kuugu xardhan taariikhda Somaliland erayaddii aad ku tiraabtay markii aad diiday shir ku sheegaa Carta 20 sanno ka hor. Erayadaadii ahaa Waa ay dhagaraysan tahay qadarkaa lacagta ah ee la iigu baaqay waxaanse ka door biday qaranimadda Somaliland Allow nin ma ahaa! Muusena eeg oo aad moodo inan yar oo aan hadal ku soo celin karin kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle sababtoo ah xatooyadda xoolihii ummadda Somaliland oo Jibuuti uu ku aasta. Allow kala aragti dheeraayeene oo kala waddaniyaysnaayeen Boon Xirsi iyo Muuse Biixi Cabdi (Dameere).


Qore: Cabdi Muhumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...