"Xidhiidhka Taiwan Yaan Lagu Habsaamin Somaliland Siyaasad Ahaan Iyo Diblomaasi Ahaanba Waxba…"Siyaasi Cali Guray

0
Tuesday August 11, 2020 - 17:52:14 in News by
  • Visits: 3255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Xidhiidhka Taiwan Yaan Lagu Habsaamin Somaliland Siyaasad Ahaan Iyo Diblomaasi Ahaanba Waxba…"Siyaasi Cali Guray

    "Xidhiidhka Taiwan Yaan Lagu Habsaamin Somaliland Siyaasad Ahaan Iyo Diblomaasi Ahaanba Waxba…"Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xidhiidhka Taiwan Yaan Lagu Habsaamin Somaliland Siyaasad Ahaan Iyo Diblomaasi Ahaanba Waxba…"Siyaasi Cali Guray

 


Hargeysa(HWN):-siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa xukuumada somaliland ugu baaqay inaanay ku habsaamin xidhiidhka Taiwan oo uu sheegay inaanu waxba ku soo kordhinayn somaliland.

Mujaahid Cali Guray Oo Ujawaabay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille


Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xidhiidhka cusub ee ay somaliland la yeelatay Taiwan aanu siyaasad ahaan iyo diblomaasi ahaanba waxb ku biirinayn somaliland, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-


Wasaaradda Warfaafintu ma oga miyaa in Taiwan ay haysatay aqoonsi caalami ah oo mar iyada loo aqoonsanaan jiray Jamhuuriyada Shiinaha oo ay Qaramada Midoobay xubin ka ahaan jirtay oo kursiga dawladda shiinaha ku fadhiyi jirtay. Shiine shuucina gaafwareeg ahaan jiray muddo badan oo loo diidanaa in uu xubin ka noqdo QM.


Taiwan waxa ay lumisay kursigii QM markii Dhulwaynaha Shiinaha ( Main China Land) ama Jamhuuriyada Dadka Shiinaha loo ogolaaday in iyadu ay tahay dawladda rasmiga ah ee Shiinaha. Taiwan tan iyo wakhtigaasi may dalban in loo aqoonsado dawlad gaar ah oo madaxbanaan balse ilaa maanta waxay ku andacootaa in ay tahay dawladda keliya ee xaqqa u leh in ay metesho dadka Shinaha sidii beryaha qaar ay ahaan jirtay. China waxay dunida ku qasbaan siyaasaddeeda One China Policy dawladda aqoonsata Taiwanna waxay u goysaa cilaaqaadka.


Markaa Qaramada Midoobay kursigii Somaliland ilaa hadda waa ka ay ku fadhido Somalia oo mar ka dhexayn jiray kursigii Taiwaan isagana waxa looga qaaday jamhuuriyadda Dadka Shiinaha. Markaa jaziiradda Taiwan iyo China waa dal keliya oo laba dawladood ku muransan yihiin balse dunidu ay mid ahaan aqoonsan tahay waana ka xubinta ka ah QM. Sidaa daraadeed yaan lagu habsaamin Taiwan xagga siyaasadda iyo diblamaasiyadda wax macno leh Somaliland ugama tari karto oo iyadii baan la aqoonsanayn ee go’doon dhankaa kaga jirta eh. Laakiin haddii madaxda Somaliland ay si fiican u garanayaan danta Somaliland ugu jirta ama ay ka leedahay xidhiidhka dhaw ee u bilawday iyada iyo Taiwan wax badan oo faa,iido ah wuu u yeelan karaa hadii kale kama duwan nin haleelo irmaan dhex jooga gaajana hayso balse aan geela lisi aqoon. Saw gaajo ugu dhex dhiman maayo? Waa ta aan uga baqayo Somaliland oo ahmiyadda siinaysa in xidhiidhka Taiwan ay uga faaiidaysan karto dhinaca aqoonsi caalami ah oo ay dunida kaga hesho. Dhinacaa waxba ugama tari karto laakiin dhinacyo badan oo ka muhiimsan ayay Somaliland uga faaiidaysan karta xidheedhka Taiwan.

 

Siyaasi Cali Gurey

Loading...
Loading...