Qodobada Rasmiga Ah Ee Weftigii Shiinuhu Kala Hadleen Muuse Biixi Oo La Ogaaday

0
Tuesday August 11, 2020 - 10:21:50 in News by
  • Visits: 5768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobada Rasmiga Ah Ee Weftigii Shiinuhu Kala Hadleen Muuse Biixi Oo La Ogaaday

    Qodobada Rasmiga Ah Ee Weftigii Shiinuhu Kala Hadleen Muuse Biixi Oo La Ogaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qodobada Rasmiga Ah Ee Weftigii Shiinuhu Kala Hadleen Muuse Biixi Oo La Ogaaday


Hargeysa(HWN):-Dawlada Jamhuuriyada dadka ee dalka Shiinaha ayaa wali ku hawlan qorsheyaal ay cadaadis ku saaraayso soo afjarida xidhiidhka wadamada aan caalamka laga aqoonsanayn ee Somaliland Iyo Taiwan oo ka kala tirsan dalalka Soomaaliya iyo Chine.

Sawirro: Muuse Biixi oo maanta qaabilay wafdi culus oo ka socday Shiinaha | Caasimada Online


Weftigan oo ka koobnaa todoba xubnood oo ka socday xukuumada shiinaha isla markaana uu hogaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China "Forum on China-Africa Cooperation” (FOCAC) AmbassadorZhou Yuxiao.


Warar soo baxay ayaa shaaciyey qodobada rasmiga ah ee ay ka wada hadleen weftiga ka socday dalka shiinaha iyo hogaamiyaha somaliland ka dib kulan ku dhexmaray madaxtooyada somaliland.


Warka ayaa sheegaya in weftiga ka socday dalka shiinuhu ay kala hadleen Muuse Biixi qorshayaal ay dawlada Chine ku doonayso inay xafiis diblomaasiyadeed kaga furato somaliland, waxaanay soo bandhigeen iskaashi ay doonayaan inay somaliland kala yeeshaan dhinacyo khuseeya dhaqaalaha iyaga oo carabka ku dhuftay inay maalgelin balaadhan oo horumarineed ku samayn doonaan kaabayaasha dhaqaalaha somaliland iyaga oo cadeeyey shuruudo ay wataan.


Weftiga culus ee ka socday dalka Shiinaha ayaa intii uu socday kulanka ay la yeesheen Muuse Biixi waxay muujiyeen dareenka dhabta ah ee ay ka qabaan xidhiidhka ay somaliland la yeelatay Taiwan oo shiinuhu u arko qayb ka mid ah dalkiisa iyaga oo soo jeediyey in xukuumada Hargeysa ka laabato.


Muuse Biixi ayaa dhankiisa weftiga shiinaha ugu jawaabay inaanay xukuumadiisu ka noqonayn xidhiidhka cusub ee ay somaliland la yeelatay Taiwan isaga oo sheegay in hada ay ku hawlan yihiin sidii ay u horumarin lahaayeen, jawaabtaas oo si weyn ay u dhibsadeen weftigii ka socday dalka shiinuhu.


Muuse Biixi ayaa sidoo kale u sheegay weftigii ka socday dalka shiinaha in xukuumadiisu ay soo dhawaynayso iskaashi ay la yeesheen isaga oo u muujiyey sida ay somaliland ugu baahan tahay in laga horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha.


Sidoo kale hogaamiyaha somaliland ayaa soo dhaweeyey in Shiinuhu uu xafiis diblomaasiyadeed ka furto somaliland balse waxa uu carabka ku adkeeyey inaanay xukuumadiisu marna ka noqonayn xidhiidhka ay la samaysatay Taiwan.


Weftigii ka socday dalka Shiinaha oo uu ku jiray wakiilka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhiisu yahay Muqdisho ayaa isla maalintii ay la kulmeen Muuse Biixi waxay ay ka baxeen somaliland kuwaas oo Beijing warbixin ku siinaya xukuumadooda.


Dawlada Shiinaha ayey wararku sheegayaan inay hada ka fikirayso talaabadii ay qaadi lahayd oo ku wajahan dareenka ay kaga soo horjeedo xidhiidhka somaliland la yeelatay Taiwan.

Loading...
Loading...