Imaaraadka Oo Ka Hadlay Go'aan Madaxweynaha Maraykanku Ka Qaatay Xaalada Yemen

0
Thursday April 18, 2019 - 06:46:20 in News by
  • Visits: 2237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Oo Ka Hadlay Go'aan Madaxweynaha Maraykanku Ka Qaatay Xaalada Yemen

    Imaaraadka Oo Ka Hadlay Go'aan Madaxweynaha Maraykanku Ka Qaatay Xaalada Yemen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaaraadka Oo Ka Hadlay Go'aan Madaxweynaha Maraykanku Ka Qaatay Xaalada Yemen


Imaaraadka Carabta ayaa tallaabo muhiim ah ku qeexay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu codka diidmada qayaxan ugu adeegsadan qaraar congress-ka Mareykanka uu ku amray in lasoo afjaro ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dalka Yemen.

Anwar Gargash


"Xaqiijinta madaxweyne Trump ee taageerada Isbahaysiga Carabta ee Yemen waa astaan wanaagsan oo muujinaysa taageerada Mareykanka ee ku wajahan isbaysigiisa Carabta” waxaa sidaas yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash oo qoraal soo dhigay twitter.


"Go’aanka muhiimka ah ee Trump waa mid xeeladeed oo waqtigii loo baahnaa yimid” ayuu yiri Gargash oo dowladdiisa ay dagaalka Yemen xulufo kula tahay Sacuudiga.


Trump ayaa go’aanka congress-ka ay ku diideen dagaalka Yemen ku qeexay mid aan loo baahneyn oo ah isku day halis ah oo wiiqaya awoodihiisa dastuuriga, islamarkaana halis gelinaya nolosha askarta Mareykanka.


Trump ayaa sidoo kale sheegay in qaraarka congress-ka uu dhaawacayo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo xiriirka Mareykanka uu la leeyahay dalalka kale.


VOA
Loading...
Loading...