Maxaa Madaxweyne Farmaajo Ka Hortaagan Inuu Magacaabo Raysal Wasaare Cusub?

0
Tuesday August 11, 2020 - 10:15:44 in News by
  • Visits: 1998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Madaxweyne Farmaajo Ka Hortaagan Inuu Magacaabo Raysal Wasaare Cusub?

    Maxaa Madaxweyne Farmaajo Ka Hortaagan Inuu Magacaabo Raysal Wasaare Cusub?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Madaxweyne Farmaajo Ka Hortaagan Inuu Magacaabo Raysal Wasaare Cusub?


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaan wali soo magacaabin raysal wasaare cusub.


Madaxweyne Farmaajo oo haatan maraya kala badh mudada uu dastuurku amrayo inuu ku soo magacaabo raysal wasaare ayey jiraan caqabado ilaa hada ka hortaagan inuu shaaciyo masuulka uu xilkaasi u igman doono.

Muxuu Madaxweyne Farmaajo u saxiixi waayey Xeerkii Metelaadda G/Banaadir? - BANDHIGA


Sidoo kale waxa jira talaabooyin uu madaxweyne Farmaajo qaadayo ka hor inta aanu magacaabin raysal wasaaraha cusub kuwaas oo uu ka dhex arkay dano siyaasiya oo uu leeyahay.


Xukuumada xilka haysa ee raysal wasaare Khayre oo si ku meelgaadh ah u shaqaynaysa ayaana hirgelinaysay qaar ka mid ah talaabooyinka uu madaxweyne Farmaajo doonayey inuu hirgeliyo.


Xukuumada ku meelgaadhka ah ayaana ansixiyey sharciyo cusub oo su,aali ka taagan tahay awooda ay u leedahay isla markaana meelmarisay masuuliyiin cusub oo xilal ka qabanaya hay’addaha kala duwan ee dawlada federaalka ah, talaabooyinka ay qaaday ayey ka mid yihiin.


1.Xukuumada ku meelgaadhka ah ayaa ansixisay xubno cusub oo lagu daray guddida adeega garsoorka kkuwaas oo ka imanayey hay’addaha ka madaxa banaan xukuumada taas oo loo macneeyey in madaxweyne Farmaajo uu qorshaynayo hirgelinta maxkamada dastuuri ah oo awood u leh inay ka garnaqdo hadii laysku khilaafo doorashooyinka soomaaliya.


2.Dawladaa ku meelgaadhnimada u shaqaynaysa ayaa sidoo kale ansixisay hay’adda maamulaysa baatroolka, siyaasad ahaana waxa loo macneeyey in madaxweyne Farmaajo uu ka sii hortagayo awood uu raysal wasaaraha cusub iyo xukuumadiisu u yeelan lahaayeen in maamuladu ay kala hadlaan hanaanka loo wadaagayo khayraadka dalka.


Dhinaca kale wararka laga helayo muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu magacaabista raysal wasaaraha cusub la sugayo go’aanka ay baarlamaanku ka gaadhayaan nooca doorasho ee la qabanayo iyada oo guddida madaxa banaani ay laba nooc miiska soo dhigeen taas oo meesha ka saaraysa in raysal wasaaraha cusub iyo xukuumadiisu ay dood ka keenaan.


Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayey magacaabista raysal wasaaraha cusub ka hortaagan yihiin cadaadisyo siyaasi ah oo kaga furan gudaha dalka kuwaas oo ku kalifaya inuu si weyn uga fikiro cida uu magacaabayo si uu iskaga yareeyo culaysyada siyaasadeed ee kaga furan dalka.

Loading...
Loading...