Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Lacag Laga Bixinayo SDF Oo Biyo Gelin Lagaga Samaynayo Laascaanood.

0
Thursday April 18, 2019 - 06:44:35 in News by
  • Visits: 1985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Lacag Laga Bixinayo SDF Oo Biyo Gelin Lagaga Samaynayo Laascaanood.

    Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Lacag Laga Bixinayo SDF Oo Biyo Gelin Lagaga Samaynayo Laascaanood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Lacag Laga Bixinayo SDF Oo Biyo Gelin Lagaga Samaynayo Laascaanood.


Hargeysa(HWN):-Wasiirka horumarinta biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ku dhawaaqay lacag ay dawladu u qorshaysay inay biyo gelin kaga samayso magaalada Laascaanood.

Image result for saleebaan cali koore


Wasiir Saleebaan Cali Koore oo maanta gaadhay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in sanduuqa SDF laga bixinayo lacag horumarin ah oo loogu tala galay biyo gelinta magaalada Laascaanood.


Ugu horayn wasiir Koore oo ka hadlaya safar uu ku tagay Laascaanood ayaa waxa uu yidhi "Aad ayaad u mahadsan tihiin dadkiina sharafta, karaamada iyo cisiga leh ee sida fiican noo soo dhaweeyey ee na tusay qalbiga fiican, Waxa kale oo aan xukuumad ahaan idiin sheegayaa inaan ku dhawaaqo maanta in degmada Laascaanood la galin doono lacag hordhac ah oo aanu uga qorshaynay sanduuqa SDF oo gaadhaysa shan milyan oo doolar.”


Wasiir Koore oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Madaxweynuhuna waxa uu balanqaaday in lacagtaas la sii wadi doono ilaa inta reer Laascaanood ay ka helayaan biyo ku filan, waxaanan balanqaadayaa in afarta ceel ee soo socda ay ku dhacaan hawdka magaalada.”


Sidoo kale wasiir Koore ayaa dardaaran u jeediyey dadweynaha magaalada Laascaanood waxaanu yidhi "Waxaynu rabnaa inaan ogaano in horumarku yahay nabad, haddii aynu nabad helno horumar ayeynu helaynaa, dadkana inaynu si fiican ula macaamilno oo hay’addaha wax idiin qabanaya aad si fiican ula macaamishaan oo nabada ilaalisaan ayaan idinkula dardaarmayaa.”

Loading...
Loading...