Trump Oo Lala Cararay Kaddib Markii Qof Lagu Toogtay Meel U Dhow Aqalka Cad

0
Tuesday August 11, 2020 - 09:04:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Lala Cararay Kaddib Markii Qof Lagu Toogtay Meel U Dhow Aqalka Cad

    Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay "iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay "iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay".

Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa'id.



Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay "iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay".

Trump ayaa shirka jaraa'id lagala carayay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa'id ku soo hogamiyay.


Waxaa la maqlayay Trump oo oranaya "Oh!" "Maxaa dhacaya" markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa'id.

Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa'id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uuna dhagta ugu sheegay dhacdada.


Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof isbitaalka la geeyay dhacdada kaddib.


Mr Trump ayaa garwaaqsaday iney ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidamada ilaalada ee qarsoon.


Dhanka kale ciidammada qarsoon ayaa sheegay iney xaqiijiyeen in mid ciidammadooda ka tirsan uu qof ku toogtay waddada 17-naad iyo aagga Pennsylvania.

 

More Information Click Here



Loading...
Loading...