Kooxahee Ayaa U Soo Baxay Wareega Afar Dhamaadka Ee Champion League+Sawiro

0
Thursday April 18, 2019 - 06:36:54 in News by
  • Visits: 2147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxahee Ayaa U Soo Baxay Wareega Afar Dhamaadka Ee Champion League+Sawiro

    Kooxahee Ayaa U Soo Baxay Wareega Afar Dhamaadka Ee Champion League+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxahee Ayaa U Soo Baxay Wareega Afar Dhamaadka Ee Champion League+Sawiro


Tartanka xiisaha badan ee Champion League ayaa maraya meel aad u xiiso badan iyada oo dhawr kooxood ay ilaa hada xaqiijiyeen inay u soo baxeen wareega afar dhamaadka.

Guardiola on the moment Man City thought Sterling had fired them into Champions League

Porto 1-4 Liverpool (1-6 agg): Sadio Mane, Mohamed Salah, Roberto Firmino and Virgil van

Kooxda Barcelona ee dalka Spain ayaa tartanka ka saartay isla markaana reebtay Manchester United oo ay guul ka gaadhay labadii kulan ee yeesheen, iyada oo Barcelona ay lugtii labaad oo ay soo dhawaysay United kaga talaabsatay sadex gool iyo waxba, halka kooxda Ajax ee dalka Holand ay tartanka ka cidhibtirtay kooxda reer talyaani ee Juventus oo lugtii labaad ku hadhay garoonkeeda.


Dhinaca kale kooxda Tottenham ee dalka Ingiriiska ayaa tartanka Champion League ka saartay Man City oo ay lugtii hore guul hal gool iyo waxba ah kaga gaadhay garoonkeeda halka kulankii labaadna ay ku kala baxeen sadex gool oo ay Spurs la timid iyo afar gool oo ay keensatay Man City balse goolasha lagaga dhaliyey garoonkeeda oo badnaa ayaa keenay inay hadho.

Son Heung-min learns about Champions League ban during TV interview
Marcus Rashford stalling over new Manchester United contract with striker demanding

Sidoo kale kooxda Liverpool ayaa iyaduna u soo baxday wareega afar dhamaadka ka dib markii ay labadii kulanba si fudud uga talaabsatay kooxda Porto ee dalka boortaqiiska iyada oo kulankii hore kaga talaabsatay laba gool iyo waxba halka kulankii labaad oo ka dhacay Anfield-na kaga badisay afar gool iyo hal.


Afarta kooxood ee kala ah Barcelona, Ajax, Tottenham iyo Liverpool ayaana isku arkaya wareega afar dhamaadka, iyada Barcelona wajahaysa Tottenham halka Ajax iyo Liverpoolna ay iska hor iman doonaan.

Loading...
Loading...