Howsha Safaaradda Iyo Basaasnimada Waxa Ka Dhexeeya Xidhiidh

0
Monday August 10, 2020 - 10:13:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howsha Safaaradda Iyo Basaasnimada Waxa Ka Dhexeeya Xidhiidh

    Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR

Howsha diplomasiydda iyo Basaasnimada waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u badan,sababtoo ah diplomaciyadda shaqadiisa badhna waa caam oo wuu muuqdaa badhka kalena way qarsoontahay tusaale ahaan heshiska Geneva 1961 alaabooyinka iyo xidhmooyinka safaaradaha u kala gudbaya waxa uu heshiisku dhigayaa in aan la faro gelin oo aan la baadhin,markaa waxyaabahas oo dhan siro ayaa la isugu gudbi nayaa.



Waxa ogaal u bahan safiirku marka uu degganyahay caasimadda muxuu u dirtaa oo samaystaa Qunsul degmoo yinka kale ee waddanka.Sababtu waxa weyaan waxa uu xog iyo warar ka rabaa waxa waddanka ka dhacaya guud ahaan,waxa kale oo safiirka uu xaq u leeyahay inuu helo journal kasta,warbaahin kasta oo warar ka soo baxaan dalka gudihiisa,macnaha haddii dil ka dhaco waddanka gudihiisa waa inuu safiirku ku war geliyaa dalkiisii in dalkan uu joogo maanta ay ka dhacday,dhacdadaas dilka ah.ka sokow siraha aadka u badan ee uu gudbiyo.

 

Haddaba maadama ay sidaas tahay Qofka Safiir loo diranayaa waa ayo? Runtu waxay tahay waa qof dalkaas kala yaqaanna qaabka dhaqankooda,qaabka bulsho(Anthropology).luqadda ay dadka dalkaas degaa ku hadlaan,taariikhdooda iyo waxyaabaha ay gaarka la yihiin ama kaga duwanyihiin dadyowga kale.


Haddaba waxa maqaalkan igu kallifay dhowaan ayay bulshadau dareenno kala duwan kaga falcelisay magacaabista Ethiopia ay soo magacowday Wakiilka U fadhiyi doona Somaliland,kaas oo ah Guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Hargeisa Siciid  Cali jibriil.

 

Siciid waa nin u dhashay Waddanka Ethiopia hase ahaatee Dhinaca Somaliland wuu u dhashay,macnaha Dastuurka Somaliland waxa uu qeexayaa in beelihii degganaa Somaliland 1960kii ka hor ay yihiin Somali land.Sidaas darteed waxa u diidayaa ma jiraan inay Ethiopia u magacowdo wakiilkeeda u Fadhiya Somali land markaad dhinacooda ka eegto waa kii ku habboonaa,dhinaca kale Somaliland iyagana wuu ku habon yahay oo qofka Ethiopia wax uga baahda ama xidhiidhka labada dal wuu wanaajin karaa madama labadaba uu fahmayo,

Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Jaamacadda Hargeisa oo Ethiopia u magacowday Wakiilka Somaliland u fadhiyi doona Mr Siciid cali Jibriil

 

Rashiid  Odowaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...