Xanuunka Koronafayraska (Covid-19) Maxaa Inooga Meel Yaal?

0
Monday August 10, 2020 - 10:07:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka Koronafayraska (Covid-19) Maxaa Inooga Meel Yaal?

    Dr Yuusuf Axmad Muxammad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Yuusuf Axmad Muxammad.


 

Waa farriin iyo talooyin ku saabsan Koronofayraska (Covid-19) oo ku socda: wasaaradda caafimaadka Somaliland-gaar ahaanna guddiga ka hortagga Koroonaha,  wasaarada horumarinta tacliinta sare, xirfadlayaasha caafimaadka iyo dhammaan aqoonyahanka iyo indheergaradka waddanka Somaliland.



 

Haddii aynnu wax ka baranay xanuunkan, waxa hubaalah; in aynnu u weel samaysannay oo cudud shaqaale, aqoon iyo maamulba aynnu diyaarsanay, haddii kale waxaynnu ku sifoobaynaa halhayskii ahaa, " Wallee reer aan ogaa ma guuro!"


 

Waxa aad xasuusataa akhriste, in dhawr bilood ka hor markii uu xanuunkani uu inna soo gaadhay; aynaan haysan miishiinka lagu baadho xanuunkan. Haddii mishiinkii la innoogu tabarucay, waxa timid ma baadhi kartaan oo xag ammaan caafimaad (Biosecurtiy) iyo aqoontii aad ku baadhi lahaydeenaba ma leedihiin? Maya ayay noqotay jawaabtii! Xirfadlayaashii shaybaadhka dhawr qof ayaa la innoo soo tababaray - macalimiin caawisana la innoo soo dir.  Allah mahaddii, waddamaddaa iyo hay'adahaasi inna caawiyay abaal baynu u haynaa.

 

 

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa," Doqoni hoos dad bay hadh moodaa!"

Haddaba, si aan taasi mar dambe innoogu dhicin; maxaa la gudboon wasaaradeenna horumarinta caafimaadka iyo jaamacadaha bixiya culuunta caafimaadkaba?


 

Innaga oo arrintaasi ka duuleyna, waxaan talo ku soo jeedin lahaa; in ay wasaaradda iyo hay'adaha caafimaadka ee dalku qaadaan tallaabooyinkan soo socda:


 

1.   In la sameeyo lana horumariyo waax (department) wasaaradda u qaabilsan horumarinta shaybaadhada - isla markaasina ku dadaasha, sidii aynu heer sare uga gaadhi lahayn aqoontaasi ku saabsan shaybaadhada. Waxa hubaal ah, in qaybtan shaybaadhku tahay qaybaha aynu aadka u tabayno ee aynu ku liidanno. Mar haddii sidaasi tahay, waa in aynu horumarino oo qorshayaalcadcad aynu ka yeelanno.

 

 

2.    In la maalgaliyo jaamacadaha dalka ee aqoontan bixiya, lana tayeeyo. Isla markaasina loo raadiyo iskaashi caalamiya oo innaga taageera horumarinta takhasusaadka aynaan u hayn barayaal dhiga.  Arrinkan waa in ay iska kaashadaan:  jaamacadaha, wasaarada horumarinta caafimaadka iyo wasaarada horumarinta waxbarashadu.Deeqaha waxbarashadana, waa in aynu ku salaynaa baahiyaheenna. Tusaale ahaan,  aad bay innoogu yar yihiin  aqoonyahanada  ku takhasusay barashada  cudurada ka  dhasha:  fayraska,  bagteeriyada  iyo  jeermisyada la mid ka ah eeaanay  isha  qaawani qabanin -  (microbiologist/virologist). Marka shay lagu barro waa inaad aqoontaa jaamacadahaaga gayso, lana sii faafiyo si aad u hesho khubarro wadanka u soo kaca oo Bari ilaa Galbeed ku filnaada.

 


Waxa kale oo aad xasuusataan, in iyadana la innoogu yaboohay mishiinada neefsiga ka caawiya bukaanada aadka u liita (ventilators).  ventilators badan waynu haynaa hadda, nasiib darrose midna kuma shaqaysanno ogaalkayga.


 

Sababtuna waxa weeyi, mishiinku kelidii wax ma taro ee waa inaad marka hore

diyaarsato dadkii ku shaqayn lahaa. Ventilators xanuunkan covid-19 oo kaliya lagu lama tacaalo ee waxa u baahan bukaan kasta oo habdhiska neefsigiisu hawl gabo. Hawlgabkaasi oo ka dhalan kara: caabuq ku xumaaday, jug ku dhacday iyo khataro kale oo caafimaadba.


Waxa iga dhiirigalin ah, in aynu dib-u-eegis ku samaynno (ventilators)ka iyo mishiinada la midka ahee (non-invasive ventilators) - sidii aynu uga faaidaysan lahayn.



Dhinaca kale, waxa igu maqaale ah in ay jireen wiilal iyo gabdho xilli sii horreysay loo soo tababaray sida loogu adeego bukaanada aadka u liita ee (ventilators)ka u baahan.Hayeeshee, sababtay doontaba haku dhacdee aan looga faa'iidaysan aqoontii ay soo bartaan sidii la rabey! Taasi qudheeda ayaa iyaduna u baahan, in la baadho sababta ay ku dhacday.

 

Wixii sixitaan ah ama talo ah iigu reeb (email) kan: [email protected]


Mahadsanidiin,

Dr Yuusuf Axmad Muxammad.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...