Ujeedada Codsi Uu Madaxwaynaha Puntland Udiray Dalka Jabuuti

0
Monday August 10, 2020 - 09:39:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Codsi Uu Madaxwaynaha Puntland Udiray Dalka Jabuuti

    "Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dowladda Jabuuti ay Puntland u sheegtay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dowladda Jabuuti ay Puntland u sheegtay"

Muqdisho (HWN)  Puntland ayaa ka codsaday Dowladda jabuuti inay soo gaadhsiiyaan qalab lagu nadiifiyo Dekedaha, gaar ahaana Ciida ka saara aaga ay kusoo xidhaan maraakiibta iyo Doonyaha.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne  Saciid Cabdullaahi Deni uu xidhiidh tilifoon uu la sameeyay Maareyaha Dekedaha Jabuuti, isaga oo ka codsaday in maalmo kooban ay ka caawiyaan sidii loo nadiifin lahaa Aaga ay Maraakibta iyo doomaha kusoo xirtaan ee dekadda Magaalada Boosaaso.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dowladda Jabuuti ay Puntland u sheegtay inay dib u eegis ku sameynayaan codsigooda,isla markaana wada-hadal dheer,kadib ay Dowladda Jabuuti Puntland u soo direyso taag iyo ciid saar si looga howlgeliyo Dekadda Boosaaso.

 

Dhawaan ayay aheyd markii Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Markab siday Ganacsi kala duwan ay Ciid qabsatay,taas oo keentay in maalmo kooban ay hakad gashay Shaqada dekadda.

 


Loading...
Loading...