Marwada Koowaad Ee Somaliya Oo Magaalada Hobyo Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad.

0
Monday August 10, 2020 - 09:30:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Koowaad Ee Somaliya Oo Magaalada Hobyo Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad.

    "In kasta oo qorshahaygu uu yahay in aan xarumahan ka hirgeliyo gobollo badan oo dalka ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"In kasta oo qorshahaygu uu yahay in aan xarumahan ka hirgeliyo gobollo badan oo dalka ah"

Muqdisho (HWN)  Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macalin oo ay wehelinayaan Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa si wada jir ah uga dhagax dhigay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cusbitaal loogu tala galay daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.



 

Marwo Saynab ayaa ka warbixisay muhiimadda qorshaha hirgelinta xarumaha caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay xoogga saartay, si xal waara loogu helo baahiyaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee haysta hooyooyinka Soomaaliyeed iyo ubadkooda.

 

"In kasta oo qorshahaygu uu yahay in aan xarumahan ka hirgeliyo gobollo badan oo dalka ah, haddana waxaa sharaf ii ah inaan anigoo ka fal-celinaya farriintii Haweenka Hobyo ay soo fareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan maanta xaruntii ugu horreysay ee noocaan ah aan ka hirgelinayno Degmada Hobyo.”

 

Marwada koowaad ee dalka oo ka guddoontay dhulka laga hirgeliyo xaruntan caafimaad Muwaadin Abshir Diini Cawaale oo reer Hobyo ah, si mutadawicnimo ahna ugu deeqay in uu noqdo dhulkani dan-guud ayaa ku bogaadisay maamulka degmada Hobyo iyo bulshada ku dhaqan sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo amniga.

 

"Waxaan kula dardaarmayaa bulshada ku nool Degmada Hobyo iyo nawaaxigeedda in dhammaantiin aad garab istaagtaan taabba-gelinta xarunta iyo weliba in aad ilaashataann marka la hirgeliyo, sababtoo ah waxaa loo dhisay in lagu daryeelo dumarka iyo carruurteenna.”

 

Dhankooda, Madaxda iyo masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku weheliyey Marwada socdaalkan ay ku tagtay Hobyo ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jirto hirgelinta Xarumaha Hooyada iyo dhallaanka, iyaga oo tilmaamay in dhismaha Xaruntan Caafimaad ay kaabeyso kobaca nololeed ee bulshada Gobolka.

 

Socdaalkan waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee dalka wafdi heer Federaal ah iyo heer Dowlad Goboleed, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Qatar Charity iyo Saynab Macallin Foundation oo wada jir u fulinaya dhismaha iyo qalabeynta Cusbitalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Hobyo.

 

DHAMMAAD

Loading...
Loading...