Siyaasiga Cali Guray Oo ka hadlay Xidhiidhka Dublamaasiyaddeed Somaliland Iyo Taiwan

0
Monday August 10, 2020 - 02:27:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Cali Guray Oo ka hadlay Xidhiidhka Dublamaasiyaddeed Somaliland Iyo Taiwan

    Siyaasiga Cali Guray Oo ka hadlay Xidhiidhka Dublamaasiyaddeed Somaliland Iyo Taiwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cali Guray Oo ka hadlay Xidhiidhka Dublamaasiyaddeed Somaliland Iyo Taiwan

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cali Guray ayaa ka hadlay xidhiidhka dublamaasiyaddeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Taiwan, waxaannu ka digay in Xidhiidhkaasi uu ku dhammaado waxba kama jiraan iyo Quud aan jirin qoryo u guro.



Siyaasiga Cali Guray oo arrimahaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi "Sida aan u arko dhinaca iskaashiga horumarinta dhaqaalaha ee Taiwan iyo Somaliland kolay dhinaca Somaliland arimaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah dhinaca tamarta gaar ahaan xoogga korontada laga dhaliyo warshadaha ku shaqeeya dhuxul-dhagaxda oo Taiwan ay ka hesho 30% korontadeeda.
Siyaasiga Cali Guray Oo Si Xeel-dheer uga hadlay Halista COVID19 ...

Somaliland oo aynu ognahay qiimaha qaaliga ah ee korontada laga dhaliyo mishiinada ku shaqeeya naaftada caadiga ah een xataa ahayn naaftada culus ( heavy diesel) waxay carqalad ku tahay dhamaan mashaariicda horumarineed ee u baahan koronto sicir jaban sida warshadaha waxsoosaarka iyo adeegyada." Ayuu yidhi Siyaasiga Cali Guray oo qoraalkaas ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebook-ga.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Somaliland waxa la xaqiijiyay in dhulkeedu hodan ku yahay dhuxul-dhagaxda meelaha sida wayn loo tilmaamona waxa ka mid ah Conqor oo bariga Berbera ah. Ilaa maanta wadamo badan oo ay ka mid yihiin kuwa hore ugu maray dhinaca warshadaha ayaa laga isticmaalaa tamarta dhuxul dhagaxda. Waxa ka mid ah dalalka Shiinaha iyo Hindiya iyo kuwo Yurub sida Jarmalka oo dib u bilaabay qodista dhuxul-dhagaxda wadankiisa iyo xataa dalka Maraykanka laftiisa in kastoo intii muddo ahayd ay joogsadeen mashariicdii qodista dhuxul-dhagaxdu. Somaliland hadii ay hesho koronto jaban oo ku soo baxda tamarta dhuxul-dhagaxda waa hubaal in wax badani ay iska bedeli karaan kuna talaabsan karto mashaariic badan oo horumar dhaqaale iyo shaqo abuurba leh.

Arinta kale waa dhinaca Warshadaha Sibidhka oo Somaliland ay soo saari karto wax aad uga badan baahideeda gudaha oo dibadda ay u dhoofin karo Sibidh tayadiisu ay aad u sarayso.

Arinta sadexaad ee laga fakari karo in Somaliland iyo Taiwan ay iska kaashan karaan waa dhinaca kalluumaysiga. Somaliland oo 850Km oo xeebta Khaliijka Cadmeed ah haysata marka aan lagu darin biyo badeedka dhaqaale ee u gaarka ah ( Exclusive Economic Zone) waxa nasiib-darro ah in manaafacaadsiga xagga kalluumaysga ay aad ugu liidato. Sidaa daraadeed haddii ay la kaashato Taiwan wax badan ayaa uga suurtogeli kara dakhliga dhoofinta kalluunka oo lacag adag ah iyo shaqo-abuurkaba.

Waxa kale iyaguna muhiim ah dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dekedaha, iyo madaarada. Adeegyada horumarinta bulshada laftooda wax badan ayay inaga tari kartaa Taiwan. Tacliinta, caafimaadka iyo biyaha ayaana ugu muhiimsan.

Markaa hadii Xukuumadda Somaliland xidhiidhkan cusub isku daydo in dadkeeda ay uga faaiidayso wax badan ayaa uga suurogeli kara hadii kale xaalkeenu saw quud aan jirin qoryo u guro uun noqon maayo miyuu waxtar inoo yeelanayaa xidhiidhka aynu la bilawnay Taiwan oo laga yaabo weliba in dawladda uu ka cadhaysiiyay ee Shiinuhuna ay inagu soo maqan tahay

Loading...
Loading...