Wasiirka Qorshaynta oo Sheegay inay Samaynayaan Tiro-koob guud oo lagu Ogaanayo Dadka Somaliland

0
Monday August 10, 2020 - 01:41:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorshaynta oo Sheegay inay Samaynayaan Tiro-koob guud oo lagu Ogaanayo Dadka Somaliland

    Wasiirka Qorshaynta oo Sheegay inay Samaynayaan Tiro-koob guud oo lagu Ogaanayo Dadka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Qorshaynta oo Sheegay inay Samaynayaan Tiro-koob guud oo lagu Ogaanayo Dadka Somaliland
Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Axaddii maanta hortegay golaha wakiillada, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan samaynayaan tiro-koob rasmi ah oo lagu ogaanayo tirada guud ee Dadka reer Somaliland, gobolkasta, degmada kasta iyo guri kastaba.
Maxaa Ka Jira In Uu Wasiirka Qorshaynta Somaliland Is Casilayo ...


Wasiir Gaafaadhi waxa uu sheegay in ay masuuliyadda wasaaraddaasi tahay diyaarinta qorsha guud iyo ururinta xogta Qaranka, isla markaana ay daba-gal ku samayso mashaariicda ay fuliyaan dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka wada mashaariicda kala duwan.

Waxa kale, oo uu Wasiirka Qorsheynta Qaranku Xildhibaannada Wakiillada faahfaahin ka siiyey qorshaha shanta sannadood ee Qaranka oo uu tilmaamay inuu leeyahay tiirar kala duwan oo horumarineed, waxaanu intaas raaciyey in mashaariicda dibedda lagu saleeyo qorshaha horumarinta qaranka.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali, waxa uu xusay in xannuunka Korona fayras uu hakiyey mashaariicdii sannadkan qorsheysnaa intoodii badnayd, isla markaana xoogga la saaray sidii dalka looga xakameyn lahaa cudurka Koofidh-19.

Loading...
Loading...