Golaha Wakiilada Somaliland Oo Garawshiyo Ka Bixiyey Kacdoonka Shacabku Kaga Soo Horjeedo Sompower Iyo Qorshe Ay Wadaan

0
Sunday August 09, 2020 - 19:22:38 in News by
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Somaliland Oo Garawshiyo Ka Bixiyey Kacdoonka Shacabku Kaga Soo Horjeedo Sompower Iyo Qorshe Ay Wadaan

    Golaha Wakiilada Oo Qorshe Ay Wadaan Kaga Jawaabaya Kacdoonka Shacabku Kaga Soo Horjeedo Sompower

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiilada Oo Qorshe Ay Wadaan Kaga Jawaabaya Kacdoonka Shacabku Kaga Soo Horjeedo Sompower


Hargeysa(HWN):-Cabasho Dadweynaha reer Somaliland ka qabaan Qiimaha Qaaliga ah ee Laydh ayaa gudubtay Baarlamaanka.

Golaha Wakiilada Somalilnd Oo La Horgeeyay Xeerka Maydhista Lacagaha – Badhtama Media Group


Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cumar San-weyne oo Shalay war-bixin siinayey Gole-weynaha Wakiillada ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatada Dadweynaha Somaliland ku qabaan Qiimaha Laydhka oo aad u sareeya iyo hab-dhaqannada Shirkadaha ee ah in aan Qofka laydhkooda isticmaalaa lahayn ikhtiyaar uu laydhkooda isbeddelo oo uu mid shirkad kale ku soo gashado.


Xildhibaan Cumar Sanweyne wuxuu ugu horayn ka hadlay Cabashada Dadweynaha reer Somaliland guud ahaantood ka qabaan Qiimaha Laydhka "Innagu ummadda ayaynu Masuul u nahay oo meesha inna keenay, qaylo badan baa ka dhacaysa Laydhkii, lixda Gobolba Qayladu way ka dhacaysaa, ha ugu badnaadeen Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera oo xagaa ku jirta, Ceerigaabo iyo Laascaanood inkasta oo ugu qiimo jaban tahay oo Sollar la isticmaalo.”


Guddoomiye San-weyne wuxuu sheegay in markii ay baadhitaan sameeyeen ay ogaadeen in Somaliland tahay halka ugu Laydh qaalisan "Markii aanu annagu eegnay Adduunka Qiimaha Laydhka in aanay jirin meel inala mid ahi, markaa waxa weeyaan dhibaato ayaa meesha jirta, SOMPOWER oo keliya maaha ee waa sida dhammaantood, Gaafane ayaa Anigu ka qaataa Laydhka, waxay igu soo dallacaan (Halka Unit) 0.65 Dollar, 80 dollar baan bishii bixiyaa Laydhka, markaa waa (Dhibaato) taagan oo dhaqaale, markaa waxaan soo jeedinayaa oo aan doonayaa inaad igu raacdaan in loo saaro guddi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Guddigu waa inay ka soo talo-bixisaa waxa Xeerkii (Korontadu) u shaqayn waayey iyo inta ay leeg tahay Kharashka ku baxa (Shirkadaha Laydhka) iyo Macaashka ay qaataan.”


Guddoomiye San-weyne waxa kale oo uu soo jeediyey in Xildhibaannadu soo diyaariyaan Mooshin wax lagaga qabanayo Tacadiyada Shirkadaha Laydhku ku hayaan Shacabka, gaar ahaan arrimaha ay ka mid yihiin in Qofku aanu awood u lahayn inuu iska saaro Shirkadda laydhka ee ugu jirto haddii uu adeeggeeda u bogi waayo "Taana waa inaynu Xeer ka samaynaa, waa inaynu wax soo jeedinaa, haddaad Mooshin ku keenaysaan iyo haddii kaleba.” Ayuu yidhi.


Maalmihii u dambeeyay Dadweynaha ayaa aad uga cabanayey Qiimaha laydhka, cabashadaasi oo aakhirkii u gudubtay Baarlamaanka.

Burcoonline.com
Loading...
Loading...